Xikmadda Maanta

0
57
  • “Ma awoodo inaan qof wax baro, waxa kaliya ee aan sameeyo waa inaan ku dhiirrigeliyo inuu fikirkiisa isticmaalo.” Socrates.
  • “Qofkaan ku qanacin waxa uu haysto, raalli kama noqonayo waxa uu rabo inuu helo.”
  • “Hal shay oo aan ogahay ayaa jira, waana inaanan waxba garanayn.”( Socrates)
  • “Waxaan leenahay laba dhegood, labo indhood, iyo hal af – taasina waxay muujinaysaa in aynu dhageysano oo aan aragno in ka badan inta aynu hadalno.” (Socrates)
  • Jibraan Khaliil Jibraan waxa isaguna yidhi : “ Marka aad wax bixinayso waxaad tahay qof naxariis badan, laakiin qofka aad wax siinayso kor ha u eegin si xishoodkiisa aanad u dareemin”.  Taasi waa wax bixinta heerka ugu sareeya.
  • Nolosh u uku hogaamiyo caqligaagu ayaa ka fiican ta ay ku hogaamiso weedhaha dadku
  • Faylasufkii Plato waxa uu yidhi: ” Dagaalka qofka uu naftiisa la galo ayaa ah guusha ugu weyn ee aadamuhu gaadho”. Naftu waxay kuu diidaysaa wax kasta oo faa’iido kuu leh. “ Arrimaha  badan ayaa qofka nolosha jecleysiiya, laakiin waxaa ugu muhiimsan yididiilada”.