Nin maalqabeen ah oo qarnigan nool ayaa la weydiiyay haddii lacagta dunida la ururiyo ka dibna dadka si isku mid ah loogu qaybiyo , ma laga helayaa caalamka qof sabool ah ?
Maalqabeenkii wuxu ku jawaabay 3 sano gudahood , ninkii maalqabeenka ahi wuu sii taajirayaa kii faqiirka ahaana wuxu sii noqonayaa sabool. Waxaana uu ujeeda waa sida ay caqligooda marka horeba uga kala faaiidaysteen. Maalqabeenku sidii uu hawlaha hore ugu maareyay wuu yaqaan. Faqiirkuna isagoon caqliba ka shaqaysiin ayay soo gashay waana sida ay kaga bixi doonto isagoon weli caqli ahaan u toosin. “ Siday kugu soo gasho ayay kaaga baxdaa”
Ka faa’iidaysiga maskaxdu waa halka lagu kala duwan yahay ee samaynaysa horumarka ama dibu dhac dal iyo dadba. Inaad sabool tahay maaha in aanad xoolo haysan, maalqabeenkuna maaha kan lacagta hantida badan. Waxa sabool noqonaya qofka garan waaya muhimadda ka faa’iidaysiga maanka.

























