Madaxweynaha Kenya ku Dhawaaqay in Dalkiisu Gelayo 7 maalmood Baroor-diiq ah, geerida Odinga

0
95

Madaxweynaha Kenya William Ruto,ayaa sheegay in dalku gelayo todoba maalmood oo baroor diiq ah qaran ah ka dib geeridii Raysal-wasaarihii   hore Raila Odinga oo ku geeriyooday dalka Hindiya.

Odinga ayaa xaalad caafimaad ku marayay Hindiya kahor geeridiisa, isaga oo ku dhintay da’ada 80 ka. Waxa uu ahaa siyaasi muhiim ah oo ka dhex muuqda siyaasadda Kenya.

Ruto ayaa sheegay Odinga in uu ahaa aabbaha dimuqraadiyada Kenya, isla markaana uu ka dhex muuqday hirgalintii Dastuurkii 2010 ay Kenya qaadatay.

Waxaa lagu xasuustaa Odinga inuu 5 jeer u tartamay madaxweynanimada Kenya oo dhammaantood uu ku guul daraystay. Mid kasta oo doorashooyinkaas ka mid ah waxa uu sheegay in lagu shubtay isaga oo qaadacay natiijooyinka ka soo baxay.

Taageerayaashiisa ayaa isugu soo baxay waddooyinkii subaxnimadii shalay oo Arbaca ahayd, gaar ahaan deegaanada uu siyaasad ahaan ku xooggan yahay ee Galbeedka Kenya.