Xubinta kowaad ee barnaamijkeena dawladaha hoose toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, duqa caasimada Hargeysa, Mudane Cabdikariim Axmed Mooge, oo dhalinyaro ku ammaanay dadaalkooda lagu darsayo halista caasimadda
Duqa caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa si kal iyo laab ah ugu mahadceliyay koox dhalinyaro ah oo aqoon iyo waayo-aragnimo u leh arrimaha deegaanka iyo maaraynta magaalooyinka, kuwaas oo bilaabay barnaamij cilmi ku saleysan oo lagu ogaanayo halista ka jirta degmooyinka kala duwan ee Hargeysa.
Duqu waxa uu iftiimiyey in magaalada Hargeysa ay wajahday dhibaatooyin badan, oo ay kamid yihiin kuwa ka dhashay korodhka degdegga ah ee magaalada, roobab culus oo daadad sababa, iyo adeegyo aan u dhigmeyn baahida dadka ku nool.
Sidoo kale waxa uu carrabka ku adkeeyay in inkastoo halisahaasi la dareemayo, haddana aan si cilmi ah loo darsin ilaa hadda.
Waxaanu yidhi.”Sidaad la socotaan, magaalada Hargeysa dhibaatooyin badan baa haysta, halis badan ayaa ku gadaaman, waana halis aan si cilmi ah loo darsin, balse maanta aad iyo aad baan ugu faraxsanahay in koox khayr qaba ay noogu yimaadeen in wax la qabto, waxa ka horreeya in la fahmo halista jirta, degmooyinkee ay ku badan tahay, iyo sida xal loogu heli karo,”
Duqa Hargeysa wuxuu sheegay in barnaamijkan cusub uu saldhig u noqon doono fahamka guud ee halisaha deegaanka, wuxuuna xusay in, barnaamijku bixin doono sawir cad oo laga heli karo xaaladda dhabta ah ee caasimadda, la ogaan doono degmo kasta halista ku gadaaman iyo in la diyaarin doono qorshayaal waxtar leh oo lagu wajaho caqabadahaasi.
Wuxuu sidoo kale xusay in mashruucani fursad u noqonayo in wax laga barto magaalooyinka kale, lana abuuro iskaashi dhex mara Hargeysa iyo magaalooyin kale oo waayo-aragnimo leh, iyada oo la adeegsanayo mataaneynta magaalooyinka si is-dhaafsi aqooneed loo sameeyo.
Waxaanu yidhi.”Waxa kale oo uu barnaamijkani inoo sahli doonaa in aan wax kala baranno magaalooyinka kale, waxa uu hoos iman doonaa mataaneynta magaalooyinka waayo waxaynu baran doonaa waxa ay iyagu sameeyeen si aynu uga faa’iidaysanno,”
Duqa ayaa xusay in magaalada ay dhiseen dadweynaha reer Hargeysa markii ay burburtay dowladdii dhexe, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in maanta, marka dawlad hoose jirto, ay lagama maarmaan tahay in ay si buuxda ula shaqeyso shacabka.
Wuxuu tusaale u soo qaatay hawlo ay dawladda hoose hore uga qabatay sidii biyaha roobka uga imanaya buuraha loogu maareyn lahaa meelaha ugu nugul magaalada.
Waxaanu yidhi.”Markii hore dadweynaha ayaa dhistay magaalada, maanta waxaan u baahanahay in dowladda hoose iyo shacabka ay gacmaha is qabsadaan, waxaan hore wax uga qabanay biyaha buuraha kasoo rogmada, meelaha ugu khatarsan, waa inaan sidaas oo kale uga hawlgalnaa halisaha kale ee jira,”
Gaba-gabadii Duqa Hargeysa wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay dhalinyarada ku hawlan barnaamijkan muhiimka ah, isagoo ku bogaadiyay doorkooda waxtar ka ah ee ay kaga qaybqaadanayaan horumarinta caasimadda.
“Kooxdan aad ayaan ugu mahadnaqayaa, shaqo weyn baad noo qabateen, magaaladana waad u qabateen.
Aniga oo ku hadlaya afkii golaha deegaanka, si niyad sami leh baan idiinku mahadcelinayaa.
Waxaan rajeynayaa in aqoontiina, waayo-aragnimadiina, wakhtiga iyo tamarta aad bixinaysaan ay keeni doonto in si dhab ah wax looga qabto dhibaatooyinka hadda jira,”
Hadalkan ka soo yeedhay Duqa Caasimadda Hargeysa wuxuu muujinayaa jihada cusub ee ay qaadayso dawladdu jihada ku saleysan cilmi, qorshe, iskaashi, iyo ka qaybgalka bulshadu ay laf-dhabarta u tahay.
Waxa uu tusaale u yahay hoggaan furfuran, aqoonsanaya kaalinta muhiimka ah ee dhalinyaradu ku leeyihiin horumarinta iyo badbaadinta magaalada.






















