Nikita Khrushchev Wuxu ahaa hogaamiyihii Ruushka Mudadii u dhaxaysay 1953-1964, wakhtigii dagaalka qabow socday. Waxaana uu ahaa madaxweynihii xukunka la wareegay markii uu dhintay madaxweyne Istalin oo ahaa nin aan naxariis lahayn, oo dilala badan kageystay dalkaasi. Khoroshof ayaa sanadkii 1956 Baarlamankiisa lagu magacaabo Duma khudbad ujeediyay. Waxa uu ahaa shirkii 20aad ee xisbiga shuuciga ah. Khoroshof waxa uu aad u cambaarerey denbiyadii u galay madaxweynihii ka horeeyay ee Istalin iyo dhibaatadii uu shacbiga u geystay.
Markii uu dhameeyay hadalka waxa loo dhiibay waraaq usoo qoray mid ka mid ah xubnihii Baarlamanka ee shirka fadhiyay. Waxaana ku qoraa , su’aal ahayd: “ Maxaad hadalkaasi uga hor odhan weyday Istalin, adigoo ka mid aha ragii ugu wayna ee xisbiga shuuciga ah uguna dhowaa Madaxweyne Istalin”. Maxaad runta ugu sheegi weyday Istalin! Koroshof ayaa qoslay markii uu akhriyay su’aasha, waxaana uu codsaday in Xubinta barlamanka ah ee warqada soo qoray isa taago siu u uga jawaabo su’aasha, laakiin qofna isma taagin. Marki uu qofna soo bixi waayay ayuu madaxweyne Khoroshof ku jawaabaay “ Waan ka baqday Istalin sidan aad adiguba maanta uga baqatay inaad is muujis”.

























