- Nolosha aad go’aansatay ayaa ka wanaagsan midda aad dadka kaga dayato
- Faylasufkii Ingiriiska ahaa ee Bertrand Russell ayaa yidhi : “ Noloshu way ka gaaban tahay wayna ka qiimo badan tahay inaan ururino gefafka ay dadka kale inaga galaan iyo in dadka la isku diro” . Mar uu ka hadlayay in dadka khaladaadka ururiyaa ay wakhti qiimo badan iska dayacayaan, halka dadka wax isku diraanna ay yihiin dad qiimihii nolosha gabay.
- Cabdimalik Ibnu Marwaan waxa uu yidhi : “ Dadka waxaa ugu wanaagsan, qofka aan kibirin marka uu sarreeyo, wax cafiya marka uu awoodo, cadaaladda sameeya marka uu xukun hayo”.

























