Zelensky oo Wajahaya Culeys Siyaasadeed Kahor Kulanka Isaga iyo Donald Trump

0
77

Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Ruushka, Donald Trump iyo Vladimir Putin ayaa yeeshay wadahadal khadka telefoonka ah oo socday muddo laba saac iyo badh ah, waxaana uu kusoo beegmay xilli xaaladda Ukraine si ay xawli ah uga sii darayso.

Wadahadalkan lama filaanka ah ayaa la sheegay inuu ka dhashay codsi ka yimi Kremlin-ka, wuxuuna si toos ah uga yaabiyay dowladda Kyiv, oo ay saameeyeen weerarro culus oo Ruushku ku qaaday gudaha Ukraine 24-kii saac ee lasoo dhaafay, isagoo adeegsanaya in ka badan 300 oo gantaal iyo diyaarado aan duuliye lahayn.

Weerarradaasi ayaa beegsaday kaabayaasha muhiimka ah ee rayidka, sida shabakadaha korontada iyo gaaska, iyagoo kusoo beegmay xilli qabowgii jiilaalka uu bilaabanayo. Ukraine waxay sheegtay in weerarradaasi ay muujinayaan niyad-jabka soo wajahay dawladda Ruushka eek a dhashay dagaalka.

Dhanka kale, Zelensky oo safar ku jooga Washington, ayaa wajahaya caqabado cusub kaddib markii Trump uu muujiyay u janjeedhidda in dagaalka lagu dhammeeyo wadahadal, taasoo Ukraine ka dhigeysa mid si weyn ugu tiirsan taageerada Maraykanka, gaar ahaan gantaallada Tomahawk ee ay Kyiv raadineyso.

Inkasta oo la isku raacay in la qabto kulan fool ka fool ah oo ka dhici doona Hungary laba toddobaad gudahood, khubarada ayaa shaki ka muujiyay saameynta gantaallada Tomahawk ee la filayo in Maraykanku siiyo Ukraine, iyadoo laga digayo inay kicin karaan falcelin milatari oo ka timaadda Moscow.

Kulanka la qorsheeyay ayaa u muuqda mid horseedi kara kala go’ siyaasadeed iyo isbeddel weyn oo ku yimaada mowqifka Maraykanka ee ku aaddan dagaalka Ukraine, iyadoo falanqeeyayaashu ay sheegeen in Putin uu weli wado ciyaartiisii caadiga ahayd oo ku dhisan cadaadis iyo wadahadal isku dhafan.