Bangiga JSL oo Ku Biiray Urur Caalami ah (IADI)

0
73

 

Hargeysa (Dawan)- Bangiga Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay dhisidda nidaam maaliyadeed oo casri ah, daahfuran, isla markaana la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah.

Bangiga dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu xubin ka noqday Ururka Caalamiga ah ee Caymiska Dhigaalka Bangiyada ee loo yaqaan IADI (Iyaadi). Ururkaas oo ay xubno ka yihiin in ka badan 100 Bangi oo caalami ah iyo hayado maaliyadeed.

Ku biirista uu Bangiga dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland sida rasmiga ah xubinta uga noqday Ururka Caalamiga ah ee Caymiska Dhigaalka Bangiyada (IADI) waa guul istaraatiiji ah oo Somaliland ka caawin doonta dhismaha nidaamka caymiska ee dhigaalka (Deposit Insurance System), kaas oo ah nidaam si weyn u kordhinaya kalsoonida bulshada ee ku aaddan hay’adaha maaliyadeed ee qaranka.

Ururka IADI, oo ay xubno ka yihiin in ka badan boqol bangi iyo hay’ado maaliyadeed oo caalami ah, waxa uu hormuud u yahay dejinta heerarka iyo habraacyada caymiska dhigaalka, si looga hortago khasaaraha dhaca marka bangi uu la kulmo dhibaato maaliyadeed. Xubinnimada Somaliland ee ururkan waa fursad ay ku heli doonto aqoon, waayo-aragnimo, iyo taageero farsamo oo muhiim u ah dhismaha nidaam caymis oo lagu ilaalinayo kaydka muwaadiniinta.

Hirgelinta nidaamka caymiska dhigaalka ee gudaha Somaliland waxa ay noqon doontaa tiir muhiim ah oo lagu xoojinayo xasilloonida nidaamka maaliyadeed, laguna dhiirrigelinayo dadka inay si kalsooni leh ugu keydsadaan bangiyada. Sidoo kale, waxay kor u qaadaysaa awoodda dalka ee lagu maareeyo khataraha maaliyadeed iyo ilaalinta danaha deebaajiyada, taas oo ah calaamad muujinaysa koboc dhaqaale iyo nidaam bangiyeed oo hufan.

Tallaabadan Bangiga Dhexe ee Somaliland qaaday waxay tusaale u tahay hoggaan istaraatiiji ah iyo aragti dheer oo lagu dhisayo nidaam maaliyadeed oo sugan, isla markaana u gogol xaadhaya mustaqbal dhaqaale oo xasiloon, hufan, kana qayb qaadan kara isdhexgalka maaliyadeed ee caalamka.