- Qofka muhiimka ahi maaha kan dadku u arkaan inuu weyn yahay, balse, waa qofka qalbigiisa ay ka buuxaan akhlaaq wanaag, iyo daacadnimo.
- Dhibta ay shaqadu inagu keento waxay ka timaadaa fikirkeena, ee kama timaadoo shaqada lafteeda.
- Sirta noloshu ma’aha in aad samayso waxa aad jeceshay, balse waa in aad jeceshay waxa aad qabanayso.
- Qaraabada iyo ehelka cunto iyo cabbitaan la wadaag, laakiin abidkaa shaqo ha la wadaagin.
- “Hadii aad dareento xanuunka, markaa waad nooshahay, laakiin haddii aad dareento xanuunka dadka kale, waxaad tahay bani’aadam.” ✒️. Lev Tolstoy
- Karaamada iyo weynida qofka waxa lagu qiyaasaa illaa xadka uu diyaar u yahay in uu u naxariisto kuwa khaladka ka gala.
- Khayrka minjo u noqo, laakiin weliga sharka madax ha u noqon.
- Qofka oo cadhooda marka la canaantaa, waa astaan muujinaysa in uu mudnaa canaantaa.

























