Xisbiga haya talada dalka Simbabwe ee Zanu Pf ayaa bilaabay qorshe loogu kordhinayo mudada Madaxwaynaha dalkaasi Mr Ermarson Mangagwa laba sanno oo dheeraad ah in uu talada dalkaasi hayo iyadoo wakhtigiisii ku eeg yahay Laba Kun iyo Sideed iyo Labaatanka.
Qorshan waxa soo bandhigay gudi ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi oo uu hogaaminayo Wasiirka Cadaalada Mr Siyaambi iyagoo arintani ka dhex sheegay shirwaynaha xisbiga Zanu Pf oo ka qabsoomay magaalada Hataari ee bariga dalkaasi.
Hase ahaatee madaxwayne Emmerson Mangagwa oo da`diisu marayso sadex iyo sideetan sanno laba xili doorasho talada dalkaasi hayay ayaan wax hadal ah ka dhiiban qorshahan muddo kordhinta loogu sameeynayo,iyagoo baarlamaanka dalkaasi u badan yihiin xubnaha ka soo hor jeeda Xisbigiisa,kuwaas oo laga filayo in ay ansixiyaan muddo kordhinta.






















