Dawladda oo sheegtay in shirkadda Oomaan loo sameeyey 30 Konteenar oo cashuur dhaaf ah todobaadkan
Berbera (Dawan) Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah uga hadashay markab muddo toddobaadyo ah taagnaa marsada dekedda Berbera, kaas oo sidday saliid warshadaysan oo u raran mid ka mid ah ganacsatada reer Somaliland. Markabkan oo maalmahan ay hadal-hayntiisu taagnayd, ayaa masuuliyiinta wasaaraddu cadeeyeen in sababta uu u taagan yahay ay tahay bixinta cashuurta ku waajibtay oo kaliya, isla markaana aanay jirin sabab kale oo uu taagan yahay.
Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay saliidda uu sido markabkaasi, iyaga oo tilmaamtay in ay tahay saliid warshadaysan oo diyaar u ah in lagu shubo agabkii loogu talo-galay. Sidoo kale, wasaaradda waxay cadeysay in badeecada uu markabkani sido ay ku waajibtay bixinta cashuurta dawladda, taas oo ah mid xaq loogu leeyahay meecashad kasta oo nooceeda ah.
Maamulaha Kastamka Berbera Axmed Cabdiraxmaan Xariir, Agaasimaha waaxda Kastamada ee wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen iyo agaasimaha waaxda sharciyada ee wasaaradda Maxamed Kanadiid oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Berbera ayaa ka waramay Markabkan saliida sida ee taagan Dekedda Berbera. Waxaanay si qoto-dheer uga hadleen waxa ay dawladdu ka doonayso Markabkan.
Agaasimaha waaxda Kastamada ee wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen oo ugu horrayn shirka jara’aaid ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan doonayaa inaan ka hadlay Markabkan hadal-hayntiisu taagan tahay maalmahan, arrinkan oo ah Markabkan saliid sida oo tagaan marsada caalamiga ah ee Berbera, Markabaas oo saliid u sida shirkadda Omar. Waxaan doonayaa in aan arrintaas ka hadlao oo sida ay wax u jiraan aan ummadda u bayaamino anaga oo aan cidna duraynin maadaama oo ay jiraan dad ka hadlay warbaahinta oo aan sidii saxda ahayd uga hadal arrintaas markaa waxaanu jeclaysanay in aanu bayaamino sida ay wax u jiraan maadaama oo aanu nahay dadkii ay gacantooda hawshu ku jirtay.
Saliidaasi waa saliid soo degtay sida sharcigu dhigayana maraysa habraaca alaabada soo degta oo la mariyo dhamaan alaabada ka soo degta dekeda Berbera kaas oo ah nidaam umadda oo dhami ay u siman yihiin.
Maamulaha Kastamada Berbera Axmed Cabdiraxmaan Xariir ayaa isaguna iftiimiyay xaqiiqada Markabkan isaga oo sheegay in markabaasi uu sido saliid diyaarsan oo u baahan uun in caagagii lagu shubo, waxaanu yidhi “Markabkani waxa uu sidaa saliid diyaarsan oo dareere ah oo u baahan uun in caagadihii lagu shubo, markaa xaqiiqada Markabkaasi waa sidaas, ciddii aan fahmin iyo bulshada reer Somaliland ee qofba si u qaatayna waxaan leeyahay waa sidaas. Markabkan anaga ayaa joojinay sababta aanu u joojinayna waxa weeye in uu bixiyo cashuurta ku waajibtay, inta lacagta cashuurta ah ee ku waajibtay la bixinayo ayaanu hakinay.”
Maamulaha Kastamada Berbera Axmed Cabdiraxmaan Xariir waxa kale oo uu sheegay in shirkadda Oomaary ay dawladdu si joogto ah ugu samayso cashuur dhaaf, isla markaana todobaadkan gudihiisa ay dawladdu 30 Konteenar oo cashuur dhaaf ah u samaysay shirkadda Omaar.
Maamulaha oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Oomaar wuxuu leeyahay lix warshadood oo waaweyn, lixda warshadood ba cashuur dhaaf ayuu u qaataa, waxa ugu dambeeyay wiigan oo kaliya soddon Keenteenar oo cashuur dhaaf ah oo ay ka mid tahay warshadda Saamuunta oo ay cashuur dhaaf kula baxeen. Lixdaa warshadood ee kaleba cashuur dhaafkooda joogto ayuu u qaataa kamaanu joojin. In badan waxa lagu celceliyay Oomaar waa cashuur bixiyaha ugu weyn, sidoo kale Omaar waa cashuur dhaaf-qaataha ugu badan ee Wasaaradda Maaliyadda. Waxaan leeyahay dadka meelahaas ka hadlaya anaga ayaa idinka jecel Oomaar, sababta oo ah waa qof cashuur bixiye noo






















