Mustaqbalka Casemiro ee kooxda Manchester United ayaa noqday mid mugdi sii galaya, iyadoo kooxda ay doonayso inay sii haysato laacibka reer Brazil balse ay rabaan in ay ku sameeyaan isbedel dhaqaale oo cusub.
Casemiro, oo haatan qaata £350,000 usbuucii, ayaa mushaharkiisu noqday mid aan kooxda u dulqaadan karin, maadaama maamulka cusub ee Old Trafford ay hirgelinayaan xeer mushahar oo adag si loo yareeyo kharashaadka sare.
Inkasta oo aan si buuxda loo diidin in Casemiro lagu sii hayo kooxda xilli ciyaareedka dambe, wararka soo baxaya ayaa sheegaya in qandaraas cusub lagu xidhayo haddii uu aqbalo hoos u dhigid mushahar weyn.
Laacibkan 33 jirka ah ayaa qandaraaskiisu uu soconayaa ilaa Juun 2026, waxaana uu door muhiim ah ka ciyaaray dib u dhiska kooxda ee uu wado tababaraha Ruben Amorim. Casemiro ayaa sidoo kale ah hoggaamiye saameyn weyn kiu leh gudaha qolka labiska.
United waxay haysataa ikhtiyaar ay sanad kale ugu kordhin karto qandaraaskiisa, balse sida warbixintu sheegtay, taas sameynteedu waxay si toos ah u khilaafi lahayd qorshaha kooxda ee dhimista kharashaadka.
Tababare Amorim ayaa la rumeysan yahay inuu qiimeeyo khibradda iyo hoggaaminta Casemiro, wuxuuna doonayaa inuu sii haysto qeyb ka mid ah qorshaha lagu xoojinayo khadka dhexe xagaaga soo socda. Si kastaba, xiisaha ka imanaya kooxaha Brazil iyo horyaalka Saudi Arabia ayaa sii kordhaya, taas oo siin karta Casemiro fursado cusub haddii uu go’aansado inuu baxo.
Waqtigan, labada dhinac — ciyaaryahanka iyo kooxda — waa inay go’aamiyaan midda mudan mudnaanta: daacadnimo mise dhaqaale macquul ah.

























