Xiddiga reer France Kylian Mbappe ayaa xilli ciyaareedkan la qaadanaya Real bilowgii ugu fiicnaa ee xirfaddiisa kubadda cagta, kaddib markii uu gaadhayy 15 gool 11-kii kulan ee ugu horreeyay ee xilli ciyaareedka 2025/2026, sida uu qoray wargeyska Isbaanishka ah Marca. Wargeysku wuxuu sheegay in Mbappe uu Real Madrid guul u horseeday kulankii ay ka badiyeen Getafe, isagoo gool cajiib ah xidhay kaddib baas qurux badan oo uu ka helay Arda Güler. Goolkaas ayaa sababay inuu jebiyo rikoodh uu sameeyay xilli ciyaareedkii 2018/2019, markaas oo uu dhaliyay 13 gool isagoo u ciyaaraya Paris Saint-Germain (PSG).
Marca waxay intaas ku dartay in 15-ka gool ee Mbappe ay ka dhigan yihiin 55.6% guud ahaan goolasha Real Madrid ee xilli ciyaareedkan (27 gool), halka waxqabadkiisii ugu fiicnaa ee PSG aanu ka badnayn 35.1%. Wargeysku wuxuu xusay in Mbappe uu hore saddex jeer u dhaafay 10 gool 11 kulan gudahood, balse aannu weligiis gaadhin heerkan cajiibka ah. Waxaa la xaqiijiyay in Mbappe uu noqday beddelkii ugu habboonaa ee Karim Benzema, kaasoo ku biiray horyaalka Sucuudiga, isagoo dhaliyay 10 gool La Liga iyo 5 gool Champions League ah — taasoo ah bilowgii ugu fiicnaa ee weeraryahan Madrid ah tan iyo xilli ciyaareedkii 2014/2015, markaas oo Cristiano Ronaldo uu dhaliyay 17 gool isla muddadaas.
Wargeysku wuxuu ku soo gabagabeeyay in Mbappe uu hadda yahay xiddigii ay Real Madrid sugaysay sannado badan, isagoo noqday hoggaamiyaha dhabta ah ee kooxda tababare Xabi Alonso, isla markaana uu hadda soo bandhigayo noqoshadii ugu fiicneyd ee Mbappe taariikhdiisa ciyaareed.

























