Wasiirka Madaxtooyadda JSL oo Sharraxay Casharada Dunidu ka Baran Karto Somaliland

0
50

Ceerigaabo (Dawan) Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Khadar Cabdi Xuseen, ayaa si qoto dheer uga warbixiyay dedaalada xukuumadda ugu jirto midnimada iyo wada-jirka ummadda, iyo hirgelinta siyaasadda dib-u-heshiisiinta qaranka, wasiirku waxa uu si gaar ah u iftiimiyay muhiimada arrimahaasi ay u leeyihiin siyaasadda Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Wasiir Khadar Cabdi Xuseen waxa uu caddeeyay in shirka ka socota magaalada Ceerigaabo ee nabadaynta iyo dib-u-heshiinta bulshada walaalaha ah ay ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee siyaasadda madaxweynaha qaranku xoogga saaray, taasoo lagu doonayo in la isugu keeno dhammaan muwaadiniinta Somaliland, iyadoo la bogsiinayo kala qaybsanaanta iyo khilaafii siyaasadeed ee bulshada dhexdeeda.

“Nabadgelyadii iyo wada-jirkii Somaliland ayaa socd , Siyaasadda ugu muhiimsan ee madaxweynaha JSL waa in la isu keeno dhammaan muwaadiniinta reer Somaliland” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Khadar Cabdi Xuseen, isaga oo muujiyay sida ay xukuumaddu uga go’an tahay in ay abuurto jawi siyaasadeed, bulsho iyo dhaqan oo ku dhisan nabad iyo wadajir.

Wasiirku wuxuu ku nuux-nuuxsaday in caalamku wax weyn ka baran karo habka ay Somaliland u wajahdo nabadeynta, iyadoo aan la adeegsanayn ciidamo shisheeye, faragelin dibadeed ama xoog ciidan, taas oo uu ku sifeeyay jid u gaar ah Somaliland oo ay dunidu casharro muhiim ah ka qaadan karto hanaanka ay Somaliland ula tacaalayso maaraynta iyo xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee gudaheeda. Waxaanu yidhi “Bbogsiinta kala qaybsanaanta iyo xoojinta qarankeena. Caalamku wax badan ayuu ka baran karaa jidka gaarka ah ee Somaliland u marayso nabadda”

Wasiirku waxa uu sheegay in siyaasadda Madaxweynaha Somaliland ay tahay mid ku dhisan mabaadi’da isu-soo dhowaanshaha, dib-u-heshiisiinta, wada-noolaanshaha, midnimada iyo wadajirka bulshada reer Somaliland. Wuxuu xusay in Madaxweynaha uu aaminsan yahay in xal kasta lagu gaadhi karo wdahadal dhab ah iyo is-ixtiraam bulsho.

Gunaanad:

Hadallada Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Cabdi Xuseen, waxay si cad u muujinayaan in xukuumaddu ay ka go’an tahay hirgelinta nabad waarta iyo dib-u-heshiisiin dhab ah oo salka ku haysa isu-soo dhowaanshaha bulshada. Shirka Ceerigaabo wuxuu noqday tusaale muuqda oo ka mid ah tiirarka siyaasadeed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kuwaas oo diiradda saaraya mideynta shacabka, xallinta khilaafaadka, iyo bogsiinta dhaawacyadii siyaasadeed ee hore.