Marcus Rashford Oo Hanjabaad U Diray Real Madrid Ka Hor Kulanka Weyn Ee El Clásico

0
71

Marcus Rashford ayaa ku jira riyo nololeed. Wuxuu dhaliyay goolal wuxuuna saameyn weyn ku yeeshay kooxda uu carruurnimadiisii jeclaa — FC Barcelona.

Kadib markii uu labo gool dhaliyay kulankii ay Barcelona 6-1 ku xasuuqday Olympiacos tartanka Champions League, Rashford ayaa yidhi:

“Qaybtii labaad waxaan dhibaatadii ku xallinay samir iyo ciyaar wanaag. Waxay ahayd ciyaar fiican, waana ka dhabeynay yoolkeennii.”

Markii la weydiiyay haddii uu dareemayo inuu horumarayo, wuxuu ku jawaabay: “Haa, malaha. Waxaan isku dayaa inaan horumar sameeyo ciyaar kasta oo aan siiyo kooxda waxa ugu fiican.”

“Waxaan doorbidaa inaan ka ciyaaro garabka, balse ugu dambeyntii meel kasta oo aan ka caawin karo kooxda waan ka ciyaari karaa.”

Isagoo ka hadlayay kulanka weyn ee soo socda ayuu yidhi: “Ciyaarta Madrid waa kulan weyn, waana sababta aan u imid halkan. Aad ayaan u sugayaa. Waxaan doonayaa inaan muujiyo tayadeyda.”

Rashford ayaa hadda leh shan gool iyo shan caawin xilli ciyaareedkan Barcelona, taasoo ka dhigan in 10 goolal uu ku lug lahaa bishii October oo keliya.

Waxaa suuragal ah in Barcelona ay tixgeliso in ay heshiiskiisa amaahda ka dhigto mid joogto ah dhammaadka xilli ciyaareedka.