Akhlaaqda Ka Horaysa Iyo Aqoonta!

0
67

Dalka Jabaan barbaarinta “akhlaaqda” ayaa laga hormariya waxbaridda “aqoonta iyo cilmiga”Dugsiyada Jabaan, laga bilaabo fasalka koowaad ilaa fasalka lixaad, carruurta laguma baro xisaabta iyo sayniska oo keliya. Laakiin waxa kale oo la baraa wax ka qoto dheer, sida farshaxanka ah in uu noqdo qof bini’aadam dhab ah.

Waxay bartaan maaddo lagu magacaabo “Dōtoku” ama “Anshaxa iyo Akhlaaqda” Waxay ku qoran tahay jadwalka dugsiga , looma arko maaddo hoose, balse waa asaaska nolosha.Waxa carruurtu ku bartaan:

  • Sida loo ixtiraamo qofka weyn, loogu naxariisto kan yar.
  • Sida loo wada shaqeeyo, iyo sida koox ahaan loo guulaysto.
  • Sida nidaamka loo ilaaliyo, ma ah cabsi darteed, waa in nidaamku yahay raaxo iyo mid nabad ah qof walba u ah.
  • Sida daacadnimadu u tahay qiime weyn, xitaa marka ay tahay wax yar, maxaa yeelay “daacadnimadu waa bilowga kalsoonida.”

Jabaan ma sugaan ilaa ilmaha uu weynaado si ay akhlaaqda u baraan…Waxay ku bilaabaan marka uu qalin ugu horreeya qabsado mana jiro mudadaas imtixaan laga qaado. Sababtuna waa iyagoo aaminsan odhaahda:

“ Cilmigu wuxuu dhisaa maskaxaha… laakiin akhlaaqdu waxay dhistaa bulshooyin”.