Waddanka Iyo Wadaniyada?

0
216

Waxaa la weydiiyay faylasuufka Jean-Jacques Rousseau:
Waa maxay waddan (dalku)?   Wuxuu ku jawaabay:

Waddanku waa meel aan qofka muwaadinka ah hanti ku iibsan Karin muwaadin kale, ama aanu muwaadin kale ku qasbanayn inuu naftiisa iibiyo.

Waddanku waa meesha aad ka helayso: Raashinka aad cunto, guri aad ku hooyato, iyo dareen ah inaad leedahay meel aad ka tirsan tahay. Waana Sharaf iyo niyad wanaagsan.

Waddanku ma aha dhul iyo hanti keliya, balse waa dhul iyo xaq lahaansho oo isku jira.
Haddii dhulka iyo hantida ay haystaan dadka kale, xaqa lahaanasha adigu waad leedahay.

Waddanku waa meesha uu qofku ku jiro xaalad wanaagsan, nabad iyo nolol sharaf leh.