Weeraryahanka Barcelona Lamine Yamal ayaa mar kale dhaliyay muran weyn kadib hadallo uu ka sheegay barnaamijka Kings League, halkaas oo Ibai Llanos uu ku weydiiyay in kooxda Porsinos ay u muuqato Real Madrid.
Yamal wuxuu ku jawaabay: “Haa dabcan. Inay wax xadaan oo musuqaan ayay hadana cawdaan.”
Sida ay qortay Marca, hadalkaas wuxuu si weyn uga xanaajiyay ciyaartoyda Real Madrid, kuwaas oo u arka Yamal inuu yahay “xiddig aan saaxiib galin”, gaar ahaan marka ay wada joogaan xulka qaranka Spain.Warbixintu waxay sheegaysaa in ciyaartoyda Real ay aaminsan yihiin in Yamal oo weli aad u da’yar aanu weli fahmin xeerarka iyo anshaxa xirfadeed ee ciyaartoyda heerka sare.
Hase yeeshee, waxaa sidoo kale la sheegay in hadallada Yamal ay kicinayaan dhiirigelin gaar ah oo Real Madrid ay u adeegsan karto El Clásico Axadda, iyadoo labada koox ay ku jiraan loollan adag oo horyaalka La Liga ah.
Real Madrid waxay hoggaanka ku haysaa 24 dhibcood. Barcelona waxay ku jirtaa kaalinta labaad iyadoo leh 22 dhibcood El Clásico ee soo socda ayaa hadda sii noqday mid ka daran sidii hore, iyada oo labadaba dhinac ay durba xamaasad iyo xiisad ay ka dhex abuurantay.

























