Ceerigaabo (Dawan)- Qalin-jabinta dufcaddii 11-aad ee Jaamacadda Sanaag ee magaalada Ceerigaabo ayaa noqotay dhacdo farxadeed oo taariikhi ah, taas oo muujisay heerka horumar ee waxbarashadu ka gaadhay gobolka Sanaag iyo guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland. Munaasibaddan, oo uu goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ahayd mid ay ka buuxaan dhiirrigelin, rajo iyo guul-wadaag.
In ka badan 200 arday ayaa ku guulaystay inay qalin-jabiyaan, kuwaas oo 55% ay yihiin hablo, taas oo ah arrin caddeynaysa in haweenka Somaliland ay noqdeen tiir muhiim ah oo kaalin muuqata ku leh horumarinta waxbarashada iyo bulshada. Taasi waa astaan muujinaysa isbeddelka wanaagsan ee dalka ka socda, iyo sida Somaliland ugu tallaabsanayso dhanka sinnaanta iyo fursadaha siman ee waxbarasho.
Madaxweynuhu khudbaddiisii wuxuu ku iftiimiyay in qalin-jabintu aanay ahayn dhammaadka waxbarashada, balse ay tahay bilow mas’uuliyadeed oo cusub. Wuxuu ardayda ku dardaarmay inay aqoontooda u adeegsadaan horumarinta bulshada, ilaalinta nabadda, iyo xoojinta wadajirka iyo midnimada Somaliland. Hadalkaas waxa uu xambaarsanaa farriin qarannimo oo culus, taas oo caddaynaysa in aqoonta iyo daacadnimadu ay yihiin labada tiir ee lagu dhiso mustaqbalka dalka.
Waxa kale oo Madaxweyne Cirro si gaar ah ugu mahadnaqay waalidiinta, macallimiinta iyo maamulka Jaamacadda Sanaag, kuwaas oo si hufan uga shaqeeyey kobcinta jiil cusub oo aqoon, xirfad iyo masuuliyad leh. Guusha ardaydaasi waa mid ay ka qayb qaateen dhammaan bulshada deegaanku, waana caddayn kale oo muujinaysa sida waxbarashadu u noqotay tiirka ugu muhiimsan ee dhismaha bulsho wacan.
Jaamacadda Sanaag waxay maanta u taagan tahay astaan muujinaysa sida gobollada dalku, gaar ahaan kuwa fog ay ugu dadaalayaan horumar aqooneed iyo mid dhaqaale. Waa tusaale dhiirrigelin u ah dhammaan jaamacadaha dalka, in waxbarashadu noqoto mid wax ku ool ah oo ka jawaabta baahiyaha dhabta ah ee bulshada iyo suuqyada shaqada ee dalka.




















