Qore Maxamuud Walaaleeye
Hargeysa (Dawan)- Sheekh Almis Xaaji Yaxye, oo ka mid ah culimada caanka ah ee Soomalida, ayaa ugu baaqay bulshada iyo ummadda Islaamka ah inay ka qayb qaataan hirgelinta himilada weyn ee dhismaha Dar Uloom Academy Hargeysa. Xaruntan ayaa loogu talagalay inay noqoto xudunta soo saarta jiilka mustaqbalka ee culimada Islaamka, si ay hormood ugu noqdaan ummadda barashada iyo ku dhaqanka Diinta Islaamka.
Sheekh Almis oo fariint hordhac ah u jeedinayey bulshada ayaa yidhi: “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan idinla wadaago himilo muddo dheer maskaxdayda iyo maankayga ku jiray. Waa fikrad aan naftayda ku rogrogay, culimo waaweyna la wadaagay, ka dibna isla garanay inay tahay arrin baahi weyn loo qabo, taasoo buuxin kaalin weyn ee barashada diinta islaamka u buuxin doonta caalamka Islaamka guud ahaan iyo gobolka Geeska Afrika gaar ahaan.” Ayuu yidhi Sheekh Almis, Wuxuu intaas ku daray, “Hanka iyo himiladu waxa weeye sidii aan u diyaarin lahayn culimada shareecada ee mustaqbalka, jiil da’yar oo hore u mariya Kitaabka Alle (SW) iyo Sunnada Nebiga (CSW).”
Sheekh Almis ayaa xusay in caalamka Islaamku lahaan jiray magaalooyin waaweyn oo cilmiga Diinta lagu baran jiray, kuwaa soo dunida oo dhan ku faafin jiray cilmiga iyo dhaxalka Nebiga (NNKH). Wuxuu sheegay in maanta ummadda ay u baahan tahay dhallinyaro diinta jecel oo lagu dhiso akhlaaq iyo aqoonta diineed, si ay u noqdaan culimo takhasus u leh qaybaha kala duwan ee shareecada, waxaanu yidhi: “Hadafku waa in la soo saaro culimo Alle yaqaanna, oo ummadda ugu yeedhi doona adeecida Alle iyo nimcada Aakhiro, iyagoo garanaya xaaladda wakhtiga ay ku nool yihiin, hogaaminaya Diinta Islaamka, soo saaraya fatwooyinka, iyo ka jawaabista baahiyaha diineed ee mustaqbalka.”
Sheekh Almis ayaa sheegay in himiladan uu u qorsheeyay inay ka hirgasho Dar Uloom Academy Hargeysa, oo dhowaan dhagax dhigeeda laga bilaabi doono. Xaruntani waxay noqon doontaa hoyga barbaarinta culimada mustaqbalka ee gobolka iyo caalamka Islaamka. Waxa lagu xareyn doontaa dhallinyaro da’doodu u dhaxayso 13-14 jir, wiilal iyo gabdho diinta jecel, laguna barbaarin doonaa ilaa da’da 25 jir. Waxbarashadooda hoose ilaa heer jaamacadeed ayaa lagu wada dhammayn doonaa goobta, iyadoo diiradda la saarayo takhasusyada shareecada.
Sheekh Almis ayaa ummadda ku hadasha afka Soomaaliga iyo kuwa Islaamka ah ugu baaqay inay ka qayb qaataan hirgelinta himiladan, isagoo yidhi: “Qof kasta waxa uu awoodo – af, gacan, xoog iyo waxtar – ha uga qayb qaato dhismaha Dar Uloom Academy, hoygan soo saaraya culimada shareecada ee mustaqbalka.” Wuxuu carrabka ku adkeeyay in himiladani ay tahay mid adduun iyo Aakhiro ajar iyo xasanaad u leh.
Wuxuu kale oo sheegay inuu 24-kii Oktoobar 2025, xarunta Zawadi & Event Center, ku qaban doono kulan faahfaahin dheeraad ah kaga bixin doono qorshahan kheyriga ah. Wuxuu ugu baaqay bulshada inay ka soo qayb galaan si ay u taageeraan himiladan taariikhiga ah.
Himilooyinka Dar Uloom Academy waxay muhiim u yihiin dib-u-soo-noolaynta cilmiga Diinta ee Geeska Afrika. Waxay u baahan tahay taageero wadajir ah oo ka timaadda bulshada, ganacsatada, iyo ururada caalamiga ah. Ka qaybqaadashada iyo faafinta waa furaha guusha qorshahan kheyriga ah.






















