Laba Meel Oo Ay Arsenal Uga Awood Badan Tahay Man City Iyo Liverpool

0
44

Halyeeyga Newcastle United, Alan Shearer, ayaa sheegay laba faa’iido oo waaweyn oo kooxda Arsenal ay ku leedahay kooxaha Manchester City iyo Liverpool xilli ciyaareedkan tartanka horyaalka Premier League. Arsenal ayaa haatan hoggaanka u haysa Premier League, iyagoo afar dhibcood ka sarreeya kooxda ku xigta ee Bournemouth, halka Man City iyo Liverpool ay kala joogaan kaalmaha 5-aad iyo 7-aad. Si kastaba ha ahaatee, Shearer ayaa aaminsan in kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ay si weyn uga fiicantahay tartamayaashaas sababo la xidhiidha halista ay ku yihiin kubbadaha geesaha iyo difaacooda adag. Shearer ayaa ku yidhi barnaamijka The Rest is Football “Faa’iidada ugu weyn ee Arsenal ay ku leedahay Liverpool, Man City, iyo koox kasta oo kale waa difaacooda iyo kubbadaha geesaha. “Waxay haystaan booska ugu fiican sababtoo ah awoodda ay u leeyihiin inay ciyaar guuleystaan xitaa marka aanay si fiican u ciyaarayn. “Taas waxaa keena xirfaddooda kubbadaha geesaha iyo sida ay ugu wanaagsan yihiin dhanka difaaca, waana sababta ay Premier League u hoggaaminayaan.”