Xukuumadda oo soo Bandhigtay Daraasad la Xidhiidha Yaraynta Culeyska Qiimaha Korontada

0
49

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale qaaday tallaabo muhiim ah oo si toos ah u saamaynaysa nolosha shacabka, iyada oo muujisay go’aan geesinimo leh oo lagu wajahayo yaraynta culayska dhaqaale ee ka dhasha qiimaha sare ee shidaalka iyo korontada. Taas oo si cad u muujinaysa sida ay xukuumaddu uga go’antahay caawinta muwaadiniinta, ilaalinta danta guud ee bulshada iyo horumarinta adeegyada tamarta.

Hay’adaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay hormood u yihiin Wasaaradaha Ganacsiga iyo Dalxiiska, Tamarta iyo Macdanta, Maalgashiga iyo Warshadaha, Maaliyadda, Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka, iyo Komishanka Tamarta Somaliland, ayaa si wadajir ah Khamiistii todobaadkan u soo bandhigay Wajiga labaad ee Daraasad ballaadhan oo laga diyaariyay xal u helida culayska Qiimaha Shidaalka iyo Korontada dalka.

Xukuumaddu waxay si cad u muujisay in xalalka la raadinayo ay yihiin kuwo taageeraya horumarka nolosha iyo dhaqaalaha bulshada JSL, iyada oo lagu dhisayo nidaam tamareed oo la awoodi karo, isla markaana ka jawaabaya baahiyaha shacabka. Tani maaha oo kaliya tallaabo lagu yareynayo qiimaha, balse waa istiraatiijiyad lagu xaqiijinayo helitaanka tamarta joogtada ah iyo dhiirrigelinta horumar dhaqaale oo waara.

Soo bandhigida daraasaddan waxay sidoo kale fursad siisay khubarada iyo masuuliyiinta dowladdu inay soo jeediyaan talooyin iyo aragtiyo cusub, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya dhisidda nidaam tamareed oo horumarsan. Waxaa hubaal ah in talaabadan ay horseedi doonto in Somaliland ay hesho adeegyo tamareed oo tayo leh, qiimahooduna uu noqdo mid la awoodi karo, taasoo si toos ah u taabanaysa nolosha maalinlaha ah ee shacabka.

Ugu dambeyntii, soo bandhigida Wajiga labaad ee daraasaddani waa tallaabo mudan in la ammaano oo lagu bogaadiyo xukuumadda, maadaama oo ay muujinayso sida ay uga go’an tahay horumarinta qaranka iyo diyaarinta qorsheyaal istiraatiiji ah oo la xidhiidha bixinta adeegyo bulsho oo tayo leh. Talaabadani waxay si cad u muujineysaa mas’uuliyadda, hufnaanta, iyo go’aan qaadashada xukuumadda ee ku wajahan xalinta dhibaatooyinka tamarta iyo dhiirrigelinta horumarka dalka.