Maayarka Gar’adag oo Ku Baaqay Gurmad Degdega oo loo Fidiyo Dadka Abaartu Saamaysay Barnaamijka dawladaha hoose ee Wargeyska Dawan todobaadkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa Maayirka iyo golaha deegaanka degmada Gar’adag oo u kuurgalay xaaladda abaareed ee deegaanada hoos yimaada degmada. Masuuliyiinta golaha deegaanka degmada Gar’adag ayaa booqday deegaanka Ballan-baal kaasi oo dadkii ka hayaameen, isla markaana ay ka jirto xaaladda aad u culus oo biyo la’aan iyo baad la’aan is biirsaday ah. Haddaba Masuuliyiinta dawladda hoose ee degmada Gar’adag, oo uu hoggaaminayo Maayirka degmada Cabdilaahi Saleebaan, Maayir-ku-xigeenka, Xoghaya Fulinta iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka, ayaa safar shaqo ku tagay deegaanka Ballan-baal si ay u soo indha-indheeyaan xaaladda abaareed ee ka jirta halkaasi. Weftiga masuuliyiinta ayaa kulan la yeeshay bulshada deegaanka, waayeelka iyo waxgaradka, kuwaasi oo uga warbixiyey xaaladda adag ee ka taagan Ballan-baal. Dadka deegaanka ayaa tilmaamay in abaartu si daran u saamaysay nolosha dadka iyo xoolaha, isla markaana ay la daalaa-dhacaayaan biyo la’aan iyo caws la’aan baahsan. Odayaasha deegaanka Ballan-baal ayaa cod dheer ugu baaqay xukuumadda, hay’adaha samafalka iyo cid kasta oo awood u leh inay gurmad deg-deg ah u fidiyaan dadka ay abaartu saameysay. “Abaar baa na haysata, biyo iyo baad midna ma hayno. Waxaanu codsanaynaa in si degdeg ah biyo nala soo gaadhsiiyo, iyo in hay’aduhu gurmad noo sameeyaan,” ayay yidhaahdeen odayaasha deegaanka. Waxay intaa ku dareen in deegaanka aanu roob helin intii lagu jiray Gu’gii iyo Dayrtii hadda, taas oo keentay in xoolihii ay baaba’aan, dadka badankoodina ay u hayaamaan meelo kale. “Sagaal jeer ayay dawladda hoose noo soo dirtay booyado biyo ah, balse hadda xaaladdu way kasii dartay, cawskii waa dhammaaday, biyihiina waa gabaabsi,” ayay yidhaahdeen odayaasha. Maayirka degmada Gar’adag Cabdilaahi Saleebaan oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in ujeedada safarkoodu tahay in ay indhahooda ku soo arkaan xaaladda abaarta ee ka jirta Ballan-baal, isagoo sheegay in deegaankaasi uu ka mid yahay meelaha ugu daran ee abaartu saameysay. Maayirku wuxuu ugu baaqay Guddida Abaaraha Heer Qaran, hay’adaha samafalka iyo bulshada reer Somaliland guud ahaan in ay si degdeg ah u caawiyaan dadka ay abaartu halis gelisay. “Waxaanu ku baaqaynaa in gurmad degdeg ah la soo gaadhsiiyo deegaannada hoos yimaada Gar’adag. Abaartu waa mid aad u daran, dadka iyo xooluhuna way la daalaa-dhacaayaan,” ayuu yidhi Maayirka. Maayirka degmada Gar’adag ayaa intaasi ku daray in bulshadii degmada Gar’adag ka hayaantay deegaanku ay hadda ku sugan yihiin Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, taasi oo ay sababtay abaarta halkan ka jirta Waxaanu yidhi “Dadkii reer guuraaga ahaa ee halkan ka guuray waxa ay marayaan Kilidhka shannaad, markaa magaalada Ballan-baal baanu ka bilawnay safar kormeer ahna waanu wadnaa, waana meelaha ugu daran ee ay ka jirto abaarta baahsan ee ay kow ka tahay biyo la’aantu”. Maayirka ayaa ayaa ku adkeeyay guddida abaaraha heer Qaran iyo guud ahaan xukuumadda iyo ganacsatadu inay dadkaasi si deg-degg ah u soo gaadhaan, soona gaadhsiiyaan baad iyo biyo labadaba waxaanu yidhi“Waxaanu mar kale baaq u diraynaa guddida abaaraha iyo cid kasta oo muxsiniin ah inay soo caawiyaan oo ay soo garab galaan deegaamada degmada Gar’adag oo dhan oo ay ka jirto abaartaasi”. Sidoo kale, masuuliyiintu waxay bulshada ugu baaqeen in maalinta Sabtida la tukado Salaadda Roob-doonka, iyagoo ku booriyey in la isu naxariisto oo la isku garab galo xaaladda adag. Bulshada Ballan-baal iyo masuuliyiinta Gar’adag ayaa isku raacay in xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanku tahay mid degdeg u baahan gurmad iyo biyo dhaamin, iyagoo ALLE ka baryey in uu roob kheyr qaba ku mannaysto dhulka abaaraha ay ka jiraan. Safarka weftiga dawladda hoose ee Gar’adag ee ay ku tageen Ballan-baal iyo deegaanada kale ee degamada Gar’adaga ayaa wuxuu muujinayaa dareenka iyo xilkasnimada masuuliyiinta degmadaasi ee ku aaddan la tacaalidda xaaladaha abaarta. Balse waxa muuqata baahi degdeg ah oo loo qabo in xukuumadda, guddida abaaraha iyo hay’adaha samafalka ay si dhaqso ah u fuliyaan gurmad biyo, raashin iyo caws ah si loo badbaadiyo nolosha dadka iyo xoolaha deegaanka.

0
94

Barnaamijka dawladaha hoose ee Wargeyska Dawan todobaadkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa Maayirka iyo golaha deegaanka degmada Gar’adag oo u kuurgalay xaaladda abaareed ee deegaanada hoos yimaada degmada. Masuuliyiinta golaha deegaanka degmada Gar’adag ayaa booqday deegaanka Ballan-baal kaasi oo dadkii ka hayaameen, isla markaana ay ka jirto xaaladda aad u culus oo biyo la’aan iyo baad la’aan is biirsaday ah.

Haddaba Masuuliyiinta dawladda hoose ee degmada Gar’adag, oo uu hoggaaminayo Maayirka degmada Cabdilaahi Saleebaan, Maayir-ku-xigeenka, Xoghaya Fulinta iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka, ayaa safar shaqo ku tagay deegaanka Ballan-baal si ay u soo indha-indheeyaan xaaladda abaareed ee ka jirta halkaasi.

Weftiga masuuliyiinta ayaa kulan la yeeshay bulshada deegaanka, waayeelka iyo waxgaradka, kuwaasi oo uga warbixiyey xaaladda adag ee ka taagan Ballan-baal. Dadka deegaanka ayaa tilmaamay in abaartu si daran u saamaysay nolosha dadka iyo xoolaha, isla markaana ay la daalaa-dhacaayaan biyo la’aan iyo caws la’aan baahsan.

Odayaasha deegaanka Ballan-baal ayaa cod dheer ugu baaqay xukuumadda, hay’adaha samafalka iyo cid kasta oo awood u leh inay gurmad deg-deg ah u fidiyaan dadka ay abaartu saameysay.

“Abaar baa na haysata, biyo iyo baad midna ma hayno. Waxaanu codsanaynaa in si degdeg ah biyo nala soo gaadhsiiyo, iyo in hay’aduhu gurmad noo sameeyaan,” ayay yidhaahdeen odayaasha deegaanka.

Waxay intaa ku dareen in deegaanka aanu roob helin intii lagu jiray Gu’gii iyo Dayrtii hadda, taas oo keentay in xoolihii ay baaba’aan, dadka badankoodina ay u hayaamaan meelo kale. “Sagaal jeer ayay dawladda hoose noo soo dirtay booyado biyo ah, balse hadda xaaladdu way kasii dartay, cawskii waa dhammaaday, biyihiina waa gabaabsi,” ayay yidhaahdeen odayaasha.

Maayirka degmada Gar’adag Cabdilaahi Saleebaan oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in ujeedada safarkoodu tahay in ay indhahooda ku soo arkaan xaaladda abaarta ee ka jirta Ballan-baal, isagoo sheegay in deegaankaasi uu ka mid yahay meelaha ugu daran ee abaartu saameysay.

Maayirku wuxuu ugu baaqay Guddida Abaaraha Heer Qaran, hay’adaha samafalka iyo bulshada reer Somaliland guud ahaan in ay si degdeg ah u caawiyaan dadka ay abaartu halis gelisay.

“Waxaanu ku baaqaynaa in gurmad degdeg ah la soo gaadhsiiyo deegaannada hoos yimaada Gar’adag. Abaartu waa mid aad u daran, dadka iyo xooluhuna way la daalaa-dhacaayaan,” ayuu yidhi Maayirka.

Maayirka degmada Gar’adag ayaa intaasi ku daray in bulshadii degmada Gar’adag ka hayaantay deegaanku ay hadda ku sugan yihiin Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, taasi oo ay sababtay abaarta halkan ka jirta

Waxaanu yidhi “Dadkii reer guuraaga ahaa ee halkan ka guuray waxa ay marayaan Kilidhka shannaad, markaa magaalada Ballan-baal baanu ka bilawnay safar kormeer ahna waanu wadnaa, waana meelaha ugu daran ee ay ka jirto abaarta baahsan ee ay kow ka tahay biyo la’aantu”.

Maayirka ayaa ayaa ku adkeeyay guddida abaaraha heer Qaran iyo guud ahaan xukuumadda iyo ganacsatadu inay dadkaasi si deg-degg ah u soo gaadhaan, soona gaadhsiiyaan baad iyo biyo labadaba

waxaanu yidhi“Waxaanu mar kale baaq u diraynaa guddida abaaraha iyo cid kasta oo muxsiniin ah inay soo caawiyaan oo ay soo garab galaan deegaamada degmada Gar’adag oo dhan oo ay ka jirto abaartaasi”.

Sidoo kale, masuuliyiintu waxay bulshada ugu baaqeen in maalinta Sabtida la tukado Salaadda Roob-doonka, iyagoo ku booriyey in la isu naxariisto oo la isku garab galo xaaladda adag.

Bulshada Ballan-baal iyo masuuliyiinta Gar’adag ayaa isku raacay in xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanku tahay mid degdeg u baahan gurmad iyo biyo dhaamin, iyagoo ALLE ka baryey in uu roob kheyr qaba ku mannaysto dhulka abaaraha ay ka jiraan.

Safarka weftiga dawladda hoose ee Gar’adag ee ay ku tageen Ballan-baal iyo deegaanada kale ee degamada Gar’adaga ayaa wuxuu muujinayaa dareenka iyo xilkasnimada masuuliyiinta degmadaasi ee ku aaddan la tacaalidda xaaladaha abaarta. Balse waxa muuqata baahi degdeg ah oo loo qabo in xukuumadda, guddida abaaraha iyo hay’adaha samafalka ay si dhaqso ah u fuliyaan gurmad biyo, raashin iyo caws ah si loo badbaadiyo nolosha dadka iyo xoolaha deegaanka.