Xikmadaha

0
45
  • Dadka dhankooda wanaagsan ka eeg, iska dhaaf dhinkooda xun
  • Noqo qof wanaagsan, dadkana ha uga waramin inaad tahay qof fiican
  • Saboolku uma baahna saacad toosisa, mushkuladihiisa ayaa ku filan oo kicinaya (R. Mugambi)
  • Qaybta danbe ee nolosha qof kasta, waxa ay ka dhalatay qaybtiisa hore. (Dostoevsky)
  • Aduunka wax kasta oo aad dhisatay wedka ayaa idin kala kaxaynaya, ku dadaal Aakhiro
  • Higsiga noloshu waa in aan raadino liibaanta dhabta waana sida Allah ina la rabo.
  • Qofka nolosha fahmaa wax kasta waa uu cafiyaa oo iska dhaafaa.
  • Hadalka adagi si kasta oo looga naxo waxa uu kala saara xaqiiqda iyo humaagga .
  • Qofka dadka ugu dhibta badan haddii aad ku tidhaa waan ku jeclahay, wuu hoganaya.
  • Aadamiga waxa keliya ee kuu hogaamin karaa waa ixtiraamka.
  • Islweynidu waa sharka iyo belaayada masiibooyinka horseeda.