Cristiano Ronaldo ayaa mar kale soo hadal qaaday dooddii u dhexeysay isaga iyo Lionel Messi, isaga oo hoos u dhigay muhiimadda Koobka Adduunka ee Argentina ay ku qaaday 2022. Wareysi uu siiyay Piers Morgan, kabtanka Al-Nassr wuxuu sheegay in Argentina ay hore u ahayd dal ku guuleysta koobkan, ka hor intaan Messi aanu soo bixin.
Ronaldo ayaa waxa uu yidhi “Argentina immisa Koob Adduun ayey ku guuleysatay kahor Messi? Haddaba waa dal hore ugu guuleystay. Haddii Portugal ay ku guuleysato, adduunka ayaa yaabi doona.”
Argentina waxay ku guuleysatay saddex Koob Adduun sanadihii (1978, 1986, 2022), waxaana guushii 2022 Qatar loo arkay mid adkeysay magaca Messi ee xiddigaha ugu waaweyn taariikhda kubadda cagta. Dhanka kale, Ronaldo oo 40 jir ah wali kuma guuleysan koobka aduunka, inkasta oo uu haysto inta badan biladaha kale ee heer kooxeed iyo heer qaran.
Ronaldo ayaa sidoo kale sheegay in Koobka Adduunka aanu ahayn cabbirka keliya ee lagu kala saaro ciyaaryahanka ugu wanaagsan taariikhda, balse wuxuu caddeeyay inuu weli doonayo inuu koobkan la qaado Portugal, isagoo yidhi “kooxda waxay doonaysaa inay adduunka ka yaabsato” tartanka soo socda.
Hadalladan cusub waxay sii hurinayaan tartanka labada xiddig ee ugu saameynta badan jiilkan kaasi oo ku saleysan sharaf, taariikh iyo taageero caalami ah.

























