Maalintii ugu horraysay ee shaqada ayay gabadhan lagu magacaabo Adau ogaatay in ay qalad weyn samaysay. “Waxaa na la siiyay dharka shaqada, annagoo xitaa garanayn waxa aan dhab ahaantii qaban doonno. Laga bilaabo maalintii ugu horrysay ee shaqada, waxaa na loo qaaday warshadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Gudaha ayaan u galnay waxaanan aragnay diyaarado aan duuliye lahayn oo meel walba yaallay iyo dad shaqaynaya. Kaddibna waxaa naloo qaaday goobo shaqo oo kala duwan.”
Adau oo 23 jir ah, asal ahaan waxay ka soo jeeda Koonfurta Suudaan. Waxay sheegtay in sannadkii hore in la khiyaaneeyay markii ay u yimaaddeenn Alabuga Special Economic Zone oo ka socday Tatarstan oo Ruushka ka tirsan, iyada oo loo ballan qaaday shaqo joogto ah.
Waxay dalbatay barnaamijka Alabuga Start oo ah qorshe shaqaaleysiin ah oo diiradda saarayo haween da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 22 sano, badankoodna ka soo jeeda Afrika laakiin sidoo kale waxa dadka laga keenaa Latin America iyo Koonfur-bari Aasiya. Barnaamijkan wuxuu u ballanqaadaa ka qeybgalayaasha tababar xirfadeed oo ku saabsan saadka, adeegga cuntada iyo martigelinta.
Barnaamijka Alabuga Start (AS) ayaa dhawaan qabsaday wararka caalamka markii saamileyda South Africa ee barnaamijka xayeysiinayay lagu eedeeyay in ay gaysteen tacaddi ku aaddan ka ganacsiga dadka. Warbaahinta ayaa la xidhiidhay saamileyda lagu eedeeyay iyo qofka xayeysiinta u sameeyay barnaamijka, balse cidna kama jawaabin codsiyadeeda.






















