Tababaraha reer Spain ee Arsenal, Mikel Arteta, ayaa ka hadlay barbaraha kooxdiisu la gashay Sunderland oo 2-2 ku dhammaaday, taasoo qeyb ka ahayd horyaalka Premier League.
Laba-da gool ee Arsenal waxa u dhaliyay xiddigaha Bukayo Saka daqiiqaddii 54-aad iyo Leandro Trossard daqiiqaddii 74-aad.
Dhanka kale, labada gool ee kooxda martida loo ahaa Sunderland waxaa dhaliyay Daniel Ballard daqiiqaddii 36-aad iyo Brian Brobbey daqiiqaddii 90+4-aad.
Arteta, isagoo la hadlayay mareegta Football London, ayaa yidhi:
“Si cad ayaan u niyad-jabnay sababtoo ah waxaan rabnay saddexda dhibcood, waxaana ku qasbanaanay inaan la ciyaarno kulan runtii adag.”
Wuxuu sii raaciyay: “Goolkii koowaad ee nalaga dhaliyay waa gool aan iska ilaalin karaynay, laakiin ka dib waxaan aaminsanahay in jawaabtii kooxda ay ahayd mid cajiib ah — waxaan muujinnay dabeecaddeenna iyo geesinimadeenna.”
Arteta ayaa hadalkiisa ku daray: “Sunderland waxay dhaliyeen laba gool, laakiin annaga ayaa gebi ahaanba xakumaynay ciyaarta.”
Tababaraha Arsenal ayaa sidoo kale yidhi: “Waxaan ogayn tan iyo bilowgii in kulanka garoonka Sunderland uu noqon doono mid adag, balse horyaalka Premier League ma jiro garoon aad marti ku tahay oo aad ku dareemayso raaxo.”

























