Federico Chiesa Oo Shaaciyay Xiddiga Uu Ku Daydo Kubadda Cagta

0
71

Garabka Liverpool ee Federico Chiesa ayaa ka hadlay ciyaaryahanka ugu weyn ee uu ku daydo tan iyo yaraantiisii – waana magac soo celinaya xasuus badan marka loo eego taageerayaasha kubadda cagta.

Chiesa oo ka hadlaya caruurnimadiisa ayaa sheegay in halyeeygii reer Brazil iyo xiddigii hore ee AC Milan, Kaka, uu ahaa ciyaaryahanka uu ugu jeclaa in uu ku daydo.

Wuxuu yidhi: “Haa, waxaan lahaa horyaal aan ku daydo, waana Kaka. Waxaan jeclaa inaan daawado AC Milan markii aan sii korayay, aniga iyo aabbahay. Waxaan daawanaynay Milan oo waxaa igu dhacay jacaylka Kaka.”

Chiesa wuxuu sheegay in qaab ciyaareedkii Kaka iyo dhaqankiisa garoonka ay si weyn ugu dhiirri-geliyeen inuu noqdo ciyaaryahan xirfad sare leh.