Shirka Todobaadlaha ah ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska oo laga soo saaray Qodobo muhiim ah

0
72

 

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur iyo Ku-simaha Agaasimaha Guud, Mudane Mustafe Cabdi Dhamac, oo hogaaminayay Shirkii toddobaadlaha ahaa ee Wasaaradda Ganacsiga Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland ee shalay ee lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda,ayaa masuuliyiinta kala duwan ee wasaaraddaa ka dhagaystay warbixino la xidhiidha hawlaha shaqo iyo qorsheyaasha horumarineed ee Wasaaradda.

Ugu horrayn, Agaasimaha Waaxda IT-ga ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan horumarinta nidaamka BRLS (Business Regeneration Licence System), kaas oo qayb ka ah dadaallada lagu casriyeynayo laguna fududeynayo adeegyada wasaaradda.

Dhankiisa, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ayaa faah-faahin ka bixiyay Foomka Qorshaha Istiraatijiyadeed ee waaxyaha kala duwan ay soo gudbinayaan 8-da Noofambar. Sidoo kale, wuxuu sheegay in la diyaariyay hagaha soo saarista Tirakoobka Ganacsiga, kaas oo ay soo bandhigi doonto Waaxda Qorshayntu toddobaadyada soo socda.

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha ayaa farriin wargelin ah u diray dhammaan shaqaalaha Wasaaradda, isaga oo ku wargeliyay in maalinta Isniinta ee 10-ka bishan ay jiri doonto tirakoob uu samayn doono Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

Sidoo kale, Agaasimaha Waaxda Ganacsatada Yaryar ayaa ka warbixiyey kulan dhawaan dhexmaray Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska iyo daladda Danwadaag, oo metesha in ka badan 75,000 ganacsi yar-yar. Kulankaas ayaa lagu gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta iyo loo dardargelin lahaa horumarinta ganacsiyada yaryar (SMEs).

Inta lagu guda jiray kulanka, waxa kale oo la is-weydaarsaday warbixino iyo aragtiyo kala duwan oo ku saabsan horumarinta shaqada iyo kor u qaadista waxqabadka waaxyaha.

Ugu dambayn, Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa soo gunaanaday kulanka, isaga oo mahadnaq ballaaran u jeediyay dhammaan waaxyaha iyo masuuliyiinta. Wasiirku wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta, waqtiga ku habboon ee soo gudbinta warbixinaha, iyo isku-xidhnaanta waaxyaha si loo gaadho himilooyinka istiraatijiyadeed ee Wasaaradda.

Wuxuu ku boorriyay dhammaan masuuliyiinta in ay sii wadaan hal-abuurka iyo wada-tashiga joogtada ah, si kor loogu qaado hufnaanta iyo tayada adeegyada.

Ugu dambayntii, Wasiirku wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay dhamaystirka siyaasadaha iyo xeerarka muhiimka ah ee Wasaaradda, isaga oo sheegay in uu guddiyo u magacaabay hawshaas, si loo dardar-geliyo hirgelinta qorshayaasha Wasaaradda.