Awoodda Caqliga Iyo Fahamka Wanaagsan!

0
54

“ Dareenka Wada Noolaanshaha”

Markii uu quraacday ee uu lebistay ka hor intii aanu shaqada u bixin, ayuu qolkiisa akhriska galay wuxu ahaa mid boodh badan oo shaashada TV-ga uu boodhku qariyay, wuxuuna kaga tegay muftaaxyadii xafiiskiisa.  Gabadhiisa ayuu ka codsaday inay qolka uga soo saarto  muftaaxyada uguna keento xafiiskiisa.

Markii ay qolka gashay ayay ku aragtay shaashadii TV-ga ee boodhka lahayd qoraalkan “ Niyad iyo Kalgacal badan ayaan u hayaa Xaaskayga”.  Way khriday weedhihiisa, waana ay fahantay ujeedada oo ah baraarujin dhinaca nadaafadda ah.

Muftaaxii ayay u qaaday waxayna u raacisay erayadan :“ Way isoo gaadhay fariintaadu, waana aan ku dadaali doonaa nadaafadda, waxaan ku hayaa kalgacal aad u badan”.

Sidaasi ayuu  ninkaa caaqilka ahi u saxaa xaaskiisa haddii uu khalad ku arko isagoon niyad jebin oo dhaawac u geysan dareenkeeda.