Qore C/wahaab Daahir Xasan
Berbera (Dawan) Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta Somaliland Dr. Cumar Shucaayb Maxamed ayaa shalay magaalo xeebeedka Berbera kulan muhiim ah oo ku saabsan is xog-wareysi la qaatay dhakhaatiirta caafimaadinta xoolaha iyo shaqaalaha kala duwan ee wasaaradda xannaanada xoolaha ee gobolka Saaxil.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, Maxamed Daahir Cabdalle, iyo Xoghayaha Gobolka, Nuur Maxamed Saleebaan ayaa ka qayb-galay kulankan dhex-maray Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta Somaliland Dr. Cumar Shucaayb Maxamed, dhakhaatiirta caafimaadinta xoolaha iyo shaqaalaha kala duwan ee wasaaradda xannaanada xoolaha ee gobolka Saaxil.
Kulankan ayaa muujinaya muhimadda magaalada Berbera oo ah xudunta ay ka dhoofaan xoolaha ugu badan ee Somaliland iyo kuwa ka yimaada waddamada jaarka la ah oo dhan, waxaana ku yaal maxjarada dhoofka xoolaha iyo xarumo lagu xanaaneyo xoolaha. Sidoo kale, gobolka waxaa ka hawl gala dhakhaatiirta ugu badan ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee caafimaadka xoolaha ka shaqeeya.
Wasiir Cumar shucayb oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu waddanka halbowle u tahay maadaama ay ka shaqayso xoolaha oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland taasina ay keentay in wasaaraddu ay noqoto wasaarad wax soo saarkeedu muuqdo, waxana uu tilmaamay isagoo la hadlaya dhakhaatiirta caafimaadinta xoolaha iyo shaqaalaha ka hawlgala wasaaradda gaar ahaan Berbera, in haddiiba ay wasaaraddu fadhiid noqoto ay istaagayaan wax soo saarka xooluhu, taas oo sabab u noqonaysa in Somaliland ay ka maqnaato qayb muhiim ah.
Gudoomiyaha gobolka Saaxil Maxamed Cabdale Gaafane oo isna halkaasi ka hadlay ayaa kulanka ka sheegay in shaqada ay dhakhaatiirta iyo shaqaalaha wasaaraddu u hayaan qaranka gaar ahaan kuwa ku sugan Berbera ee ka shaqeeya caafimaadinta xoolaha loo diyaarinayo in la dhoofiyo inay mudan yahay kaliya amaan iyo dhiirigalin loo sameeyo.
Gudoomiyaha ayaa shaqaalaha iyo dhakhaatiirta wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga ee gobolka Saaxil waxa uu ku sifeeyey inay yihiin muunada hagta sumcada qaranka ee ka shaqeeya in Somaliland ay dibada u dhoofiso xoolo caafimaad qaba oo suuqyada caalamka ee xoolaha ka iibsama.
Sidoo kale waxa ka hadlay kulnkaas, Isuduwaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee gobolka Saaxil, Dr. Maxamed Saleebaan Cajab, ayaa ka warbixiyay shaqada Wasaaradda ee gobolka, isagoo sheegay in wax waliba sida loogu talagalay u socdaan, isla markaana uu dardar-galiyay shaqada mudadii koobnayd ee uu xilka hayay.
Home Wararka Dalka Wasiirka Xanaanada Xoolaha JSL oo Kulan Muhiim ah la Qaatay Dhakhtarada Xoolaha...






















