Mucjisooyinka Dunida Ka Jira!
Daraasado kala duwan ayaa cadeeyay in sanadkii dad gaadhaya 22 kun qof ay is dilaan oo iskood nafta iskaga jaraan, waxaana la sheegay inay taasi sabab u tahay daymaha lagu leeyahay oo aanay iska bixin karin.
Caalamkan Daqiiqada kasta wax ku dhasha 216 caruur ah, waxaana dhinta 101 qof , maaha arrin lama awaalayo, laakiin waa tiro koob sax ah oo lagu sameeyay dhalashada iyo dhimishada dadka dunida ka dhacda celcelis ahaan ilbidhiqsi kasta.
Sanadkii 1999 ayuu asaasaha shirkadda Google soo bandhigay inuu ku iibanayo lacag dhan hal milyan oo doller oo keliya, laakiin wakahtigaasi inkasta oo uu aad u xayaysiiyay, meel kastana ku soo bandhigay inay iib u joog tahay haddana nasiib daro lagama iibsan. Waxase yaab noqotay in sanadkii 2016, shirkadda Google qiimaheedu uu gaadhay lacag dhan 250 Malyuun doller. Mudada toddoba sanadood ah ayaa isbedel weyni ku dhacay horumarka, shaqada iyo dakhliga shirkadda.
Waxa kale oo la ogaaday in Masasku ay aad u neceb yihiin Batroolka, waxaana cadaatay in deegaanada Batroolka laga helo aanay usoo dhowaan Masasku.

























