Guddiga KMI Ee Premier League Oo Go’aan Kasoo Saaray Goolkii Van Dijk Ee La Diiday Kulankii Man City

0
67

Goolkii Virgil van Dijk ee la diiday kulankii Liverpool ee City ayaa ahayd inuu ansax noqdo, sida uu sheegay guddiga Key Match Incidents (KMI) ee Premier League.

Si kastaba ha ahaatee, guddigu sidoo kale wuxuu caddeeyay in VAR ay ku saxnayd inaysan beddelin go’aankii garsooraha.

Garsoore Chris Kavanagh ayaa goolka diiday kadib markii uu go’aamiyay in Andy Robertson, oo offside ahaa, uu carqaladeeyay goolhayaha Gianluigi Donnarumma.

Guddiga KMI ayaa kusoo gunaanaday xaaladda in Robertson uusan si ku filan u saameyn goolhayaha, taasoo micnaheedu yahay in goolka la oggolaan lahaa.

Hase ahaatee, maadaama garsoorayaasha garoonku ay u arkeen in Robertson uu farageliyay ciyaarta, VAR ma beddeli karin go’aanka ilaa ay jirto “qalad cad oo muuqda”.

Madaxa PGMOL, Howard Webb, ayaa markii dambe difaacay garsoorayaasha, isagoo sheegay in fasiraaddooda ay ahayd mid “aan macquul-darro ahayn”.