Maayer ku xigeenka Hargaysa oo sheegay inay furi doonaan jidadka soo gala Maktabada Siillaayo, oo ay dib-u-haybayn iyo iftiimin ku samaynayaan.
Maayar ku-xigeenka caasimadda Hargeysa, Mudane Khadar Axmed Cumar, ayaa booqday Libareeriga Siilaanyo, halkaas oo uu kula kulmay Axmed Daahir iyo Safiirkii hore ee Somaliland Baashe Cawil.
Mudane Khadar ayaa sheegay in Libareeriga Siilaanyo uu yahay hanti qaran oo bulshadu wada leedahay, isaga oo Alle uga baryay inuu naxariis janno ka waraabiyo Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo, oo ahaa aasaasaha Libareerigan.
Wuxuu xusay in ay dawlad hoose ahaan diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan casriyeynta iyo qurxinta wajiga labaad ee Libareeriga, isla markaana ay furi doonaan waddooyinka ku xeeran si loo fududeeyo isu socodka.
Maayar ku-xigeenka ayaa sheegay in Libareeriga Siilaanyo uu noqon doono goob muhiim ah oo bulshada Hargeysa ku kulanto, isla markaana ay xukuumadda iyo shacabka si wadajir ah uga shaqeyn doonaan horumarkiisa.
Waxaanu yidhi.“W0axaanu booqaney Leybareeriga Siilaanyo, waxa aanu kula kulaney Axmed Daahir, iyo Safiirkeeni hore Baashe Cawil, sifiican ayay noogu soo dhaweeyeen Libareerigani waa mid Qaranku wada leeyahay.
Waxaan u duceynaya Alle haw naxariiste Madaxweynaheeni hore Axmed Maxyamed Maxamuud Siilaanyo, Libareerigan bud-dhigiisa iyo aasaaskiisa isaga lahaa, magaciisiina sito, Alle waxaan uga baryeyna in uu Qabriga u nuuro, waa barnaamijyada taariikhda u galey, Idaacada Qur’aanka, Libeerigan, Jidka Ceerigaabo, inta uu qofku nool yahaya iyo kadiba taariikhda xusaysa wixii uu qabtay.
Maanta halkan waxa aynu u fadhina waa barnaamijkan Libareerigan waa wajigiisi labaad, casriyeyntiisi inaynu kawada qayb qaadano, dhab ahaantii anagu ka dawlad hoose ahaan diyaar ayaanu u nahay in aanu kawada qayb qaadano wax kasta oo loo baahandona diyaar baanu u nahay haddii Alle yidhaahdo xukuumadda iyo Madaxweynuhuna qaybtooda ayay qaadan doonaan, bulshada reer Hargeysana qaybtooda ayay qaadan doonaan.
Libareerigan caqabadaha haysta waxa ka mid ah waddooyinka soo gala oo cidhiidhi ah, waanu fureyna jidadka, waxa ila socda guddoomiyihii degmada 26-ka Juun, agaasimihi waaxda suuqyada iyo hantida Maguurtada ah, afarta jid ee dhinacyada ka soo galaba diyaar ayaanu u nahay in aanu furno, la dhiso, la iftiimiyo isla markaana la qurxiyo, sababto ah Libareerigani waa mid Qaranku wada leeyahay, gaar ahaan magaalada Hargeysa leedahay, haddii Alle yidhaahdo waxa uu noqon doona meel bulshadeenu ku kulanto, Liibareerigii hore ee Jaamacada Hargeysa qayb weyn ayaanu ku lahayn kana qayb wayn ayaanu ku yeelan doona anoo matelaya golaheyga degaanka caasimada Hargeysa”






















