Dhiigga Dahabka ah

0
73

 

Dhiigga la yidhaahdo Rh null oo mararka qaarkood loogu yeedho “dhiigga dahabka ah,” waa nooca dhiigga ugu naadirsan adduunyada, iyadoo  50 Qof oo keliya ay haystaan nooca dhiiga dahabka ah.

Dhiig-shubistu waa hannaan beddelay sidii la isku daawayn jiray wakhtiyadii hore. Marka uu qofku la kulmodhaawac culus, waxa lagu shubaa dhiig qof kale oo ay isku nooc yihiin si naftiisa loo badbaadiyo.

Laakiin waxaa jira dad aan ka faa’iideysan karin habkan. Dadka leh noocyada dhiigga ee naadirka ah waxay la kulmi karaan dhibaato weyn marka ay raadinayaan dhiig laga keenay qof kale oo noociisa ah.

Nooca dhiigga ee ugu naadirsan adduunyada waa kan lagu magacaabo Rh null —waxa lagu ogaaday in kaliya 50 qof oo keliya  ay dhiiggaasi leeyihiin.

Haddii dadkaas la dhaawaco ama u ay u baahdaan in dhiig loo shubo, fursadda ay ku heli karaan dhiigga loo baahan yahay waa mid aad u yar. Sidaas darteed, dadka leh noocan dhiigga ah waxaa lagula talinayaa in ay kaydiyaan dhiiggooda si ay mustaqbalka u isticmaali karaan.

Waxyaabaha ka dhigaya dhiiggan mid qiimo leh maaha oo kaliya in uu dhif yahay. Qaybaha caafimaadka iyo cilmi-baadhistu waxay dhiiggan ugu yeedheen “dhiigga dahabka ah” sababta oo ah faa’iidooyinka badan ee laga heli karo.

Saynisyahannadu waxay baadhayaan siyaabo looga gudbi karo caqabadaha la xidhiidha nidaamka difaaca jidhka ee xaddida isticmaalka dhiigga la isugu deeqo, waxaana la filayaa in nooca dhiigga Rh null uu caawin karo dhiig-shubis guud ahaan caalamka.

Sidee ayaa noocyada dhiigga loo kala soocaa?

Nooca dhiigga ee jidhkeena ku wareegaya waxaa kala saaristiisa lagu saleeyaa jiritaanka ama maqnaanshaha calaamadaha qaarkood ee ku yaalla dusha unugyada dhiigga cas.

Calaamadahaas oo loo yaqaan antigen, waxay ka samaysan yihiin borotiinno iyo sonkor ku fidsan dusha unugga. Nidaamka difaaca jidhkeenna ayaa awood u leh in uu ogaado.

Prof. Ash Toye oo ah khabiir ku takhasusay bayoolajiyada unugyada oo ka tirsan Jaamacadda Bristol, ayaa yidhi:

“Haddii dhiig laga keeno qof deeq bixiye ah oo wata antigenno ka duwan kuwa dhiiggaaga, jidhku wuxuu soo saaraa difaacyo (antibodies) wuxuuna weeraraa dhiiggaas,” wuxuuna intaa ku daray: “Haddii dhiiggaas mar kale lagugu shubo, waxay halis weyn ku noqon kartaa noloshaada.”

Labada nidaam ee dhiigga ugu badan ee keena falcelinta ugu xooggan ee nidaamka difaaca waa ABO iyo Rhesus (Rh).

Qofka leh dhiigga A, dusha unugyada dhiiggu waxay leeyihiin A antigen.

Qofka leh dhiigga B, dhiiggiisu wuxuu leeyahay B antigen.

Qofka leh dhiigga AB, wuxuu wataa labadaba A iyo B antigen.

Qofka leh dhiigga O, ma laha labadaba antigen.

Nooc kasta oo dhiig ahi waxa uu noqon Rh taban ama Rh togan.

Dadka leh dhiigga O nooca taban waxaa badanaa lagu tilmaamaa “deeq-bixiyeyaasha guud” sababtoo ah dhiiggoodu ma laha antigenno A, B, ama Rh.