Wakhtiyada Maskaxdu Lumiso Fikirka Saxda Ah!

0
45

Koox cilmi baadhayaal ah oo ka tirsan dalka Maraykanka ayaa soo saaray in hoormoonka herlin oo ah midka qaabilsan gaajada  marka uu soo baxo ay  maskaxdu kordhiso xusuusta.  Hormoonka ayaa sababay inay wakhtigaasi maskaxdu ay soo celiso macluumad badan oo ku kaydsan.

Daraasadda ayaa intaasi ku dartay in calooshu marka ay madhan tahay  ay  hormoonadaasi maskaxda u kordhiyaan inay si firfircooni xusuusta u badiso, iyadoo ku xidhan baahida jidhku u qabo inuu helo raashin uu tamar ka dhigto.

Daraasadda aya intaasi ku dartay inay tani qofka u sahalayso inuu dhakhso u xusuuto arimo badan oo ka maqnaa ama halkii uu raashin uu cuno ka heli lahaa. Daraasadda ayaa lagu cadeeyay in aan weli sibuuxda loo fahmin xidhiidhka ka dhexeeya gaajada iyo xusuusta. Laakiin waxa ay  isla qirayaan in baahidu ay tahay tan keenta horumarka iyo xal u helidda mushkuladda oo xidhiidh la leh maskaxda.

Daraasadda ayaa cadaysay in marka qofku gaajoodo, go’aamadiisa ay noqdaan kuwo degdeg ah.

Wakhtiyada gaajada maskaxdu waxay mudnaanta siiisaa raadinta cunto iyo sida ay ku helayso waxaana luma dareenka fikirka horumarka ee qotoda dheer. Tan ayaa sababta in dadka gaajaysani ay sameeyaan arrimo  caadi ahayn iyo khaladaad badan.