Mararka qaarkood waxa dhacda inaad laabta ka dareento cidhiidhi iyadoo ay sabab u tahay dadka oo ku fahmi waayay ama ku dhaliilaya. Dareenkaasi yaanu kugu keenin dhibaato, maxaa yeelay maaha arrin khasab ah inay dadka oo dhami kuwada fahmaan, waxa kugu filan inaad adigu naftaada fahanto.
Ogow haddii aad wanaagsanaato dadku way ku eedaynayaan, laakiin adigu samee arinka wanaagsan. Haddii aad guulaysatona, waxaad ku guuleysan doontaa saaxiibo been ah oo ku hareera jooga iyo cadow dhab ah oo ka soo horjeeda. Laakiin si kastaba waa inaad ku dadaasho inaad guulaysato.
Dadku runtii waxay u baahan yihiin kaalmo, laakiin way ku dhaliilayaan haddii aad iyaga caawiso. Laakiin mar kasta kaalmee si aad ugu raaxaysato nolosha wanaagsan ugana baxdo cidhiiga iyo diiqada nolosha xasadka, niyad jabka iyo cuqdadu ku lamaan yihiin. Akhlaaqdaada, dhaqankaaguba waa sirta noloshaada ee qarsoon.

























