Qof Kastaa Waxa Ka Maqan Ayuu Tebayaa!

0
61

George Bernard wuxu ahaa qoraa u dhashay dalka Ireland dhamaadkii qarnigii 19aad waxaana uu aad wax uga qoray suugaanta, cilmiga bulshada iyo siyaasadda.  George waxa uu ka tirsanaa dadkii abuuray ururkii  “The Fabian Society” oo dadka saboolka ah u doodi jiray. Odhaahda hadalka iyo jawaabaheeda ayuu si dhakhso ah u heli jiray marka qof kasta wax weydiiyo.

Maalin ayay gabadh fanaanad ah ayaa ku tidhi :”George haddii aan is guursano ka waran? George ayaa ugu jawaabay oo maxaynu ka faa’iidaynaa?

Fanaanadda ayaa ku jawaabtay :” waxaynu iska dhali lahayn caruur caqli badan sidaada oo qurux badan sidayda oo kale ?”  Isaguna wuxu ugu jawaabay :” Ka waran hadday ay sida kaleba u dhacdo oo aynu iska dhalo, Caruur sidaada caqli xun, oo sidaydana fool xun”. Waxa uu ahaa nin dhuuban oo gadhweyn oo madaxiisuna xiiran yahay oo bidaar leh, waxa uu u muujiyay in sida ay jeceshahay iyo  arinka ay neceb tahay ay yihiin kuwo siman.

Maalin kale nin maalqabeen ah oo ka cadhaysnaa dadka danyarta ah ee uu afhayeenka u noqday xaaladoodna ka waramo  ayaa ku yidhi :” “George, maxaad maalin walba lacagta iyo dadka hodonka ah u hadal haysaa oo wax uga qortaa oo wargeysyada iyo warbaahinta u gelisa?’.

George ayaa ugu jawaabay “ maxaad jeclayd inaan ka hadalo”? Hantiilaha ayaa ku yidhi :” Akhlaaqda iyo naxariista”.  Waxaana uu ku yidhi :” Waa waxa ka maqan adiga”.

Nin qoraa ah ayaa maalin uu buugiisa uu qoray uu dhaliilay oo yidhi:
“Hal bil ayaan ku qoray buuggayga, adiguna hal maalin ayaad ku dhaliishay. Ma cadaaladbaa?”
Shaw ayaa ugu jawaabay: “Haa, sababtoo ah waxad hal bil ku samaynaysay qalad, aniguna hal maalin ku saxay.”