Wasaaradda xanaanada xoolaha oo kormeertay maxjarada caafimaadinta Xoolaha ee Berbera

0
52

Isuduwaha Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha ee gobolka Saaxil, Dr. Maxamed Saleebaan, ayaa  kormeer shaqo ku maray maxjarada  caafimaadinta xoolaha ee  magaalada Berbera. Kormeerkaas ayaa qayb ka ah dedaalka wasaaraddu ku xaqiijinayso in xoolaha loo dhoofinayo dalalka dibadda ay ku socdaan hab-raacyo caafimaad oo hufan.

Dr. Maxamed ayaa booqday Maxjarada Al-Mutaxida, Maxjarka Waddaniga, iyo Maxjarka Sacuudi Emirates, kuwaas oo door muhiim ah ku leh diyaarinta xoolaha u diyaargaroobaya dhoofka. Intii uu kormeerku socday, dhakhaatiirta iyo maamulka maxjarada ayaa u soo bandhigay warbixin muujinaysa in baadhitaannada caafimaad iyo daryeelka xoolaha ay u socdaan sidii loogu talagalay.

Warbixinaha lagu soo bandhigay kormeerka ayaa ahayd mid  tilmaamaysa in xoolaha ku jira maxjarada ay yihiin xoolo loo dhoofiyo Sacuudi Carabiya iyo Cuman, taas oo muujinaysa in dhaq-dhaqaaqa dhoofku si habsami leh u socdo.

Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha ayaa caddeysay inay ka go’an tahay xoojinta tayada adeegyada caafimaadka xoolaha, ilaalinta nidaamka dhoofka, iyo kor u qaadista fursadaha dhaqaale ee bulshada reer miyiga. Wasaaraddu waxay tilmaantay muhiimadda ay leedahay kormeer joogto ah iyo la-xisaabtan si loo xaqiijiyo adeeg hufan oo waxtar leh.