Israa’iil ayaa wali wadda duqaynta aan kala joogsiga lahayn ee ay ku hayso Qasa ka dib markii bishii hore la gaadhay Xabbad Joojin ay maraykanka iyo dalalka Masar Qadar iyo Turkigu u kala saxeexeen labada dhinac.
Ugu yaraan 22 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarro cirka ah oo is daba joog ah oo ay Israa’iil ku qaadday waqooyiga iyo badhtamaha Qasa, sida ay sheegeen saraakiisha difaaca rayidka iyo caafimaadka ee Xamaas.
Waxay sheegeen in illaa shan goobood la duqeeyay, waxaana ka mid ah guryo la deggan yahay. Taliye sare oo Xamaas ah ayaa ka mid ah dadka dhintay, sida laga soo xigtay ilo gudaha ah.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay Xamaas ku beegsadeen Qasa taasoo lagaga jawaabayay dhacdo goor hore oo shalay ah dhacday.






















