Bolsonaro ayaa xabsiga la dhigay kadib markii la go’aansaday inuu isku dayayo inuu dalka ka duulo xilli uu ku jiro xabsi guri.
Madaxweynihii hore ee Brazil ayaa lagu helay inuu isku dayayay afgembi millatari bishii September waxaana lagu xukumay 27 sano oo xabsi ah, balse wuxuu kusii jirayaa xabsi guri illaa uu racfaan qaadanayo.
Garsooraha Maxkamadda ugu Sarreysa Brazil Alexandre de Moraes ayaa sheegay in tallaabada lagu xidhay Bolsanaro oo 70 jir ah ay tahay mid lagaga hortagayo xaqiiqooyin cusub oo soo if-baxay.
Bolsanaro ayaa qirtay inuu isku dayay inuu furo qalabka anqawga uga xidhan ee lagula socdo, balse wuxuu beeniyay inuu doonayay inuu gebi ahaan iska saaro.
Saraakiisha maxkamadda ayaa sheegay inuu doonayay inuu adeegsado isu soo bax la qorsheeyay oo ka dhacayay dibadda gurigiisa si uu marmarsiyo uga dhigto inuu iskaga saaro qalabkaas






















