Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo soo Saaray Go’aan si Hufan uga Jawaabaya Xaaladda Abaaraha

0
154

“Joojisay xafladaha iyo abaal-marinnada: Tallaabo lagu xoojinayo Gurmadka Qaran ee Abaaraha”

 “Go’aanka Madaxweynaha Somaliland ee ka jawaabidda xaaladaha Bini’aadanimo: Masuuliyad iyo Wadajir”

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa soo saaray go’aan geesinimo leh oo ku salaysan xaaladaha bini’aadamnimo ee dalka ka jirta iyo danaha guud ee qaranka, kaas oo si cad u muujinaya masuuliyad qaran, wadajir, naxariis, iyo dareen-qaybsi. Go’aankaas oo ah tusaale muuqda oo muujinaya dedaaladda xukuumadda ee ku aaddan gurmadka abaaraha ba’an ee dalka ka jira.

Go’aankan Madaxweynaha Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si cad u muujinaya in wax ka qabashada xaaladaha bini’aadamnimo iyo danaha guud ee qaranku ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee mudnaanta koobaad u leh xukuumadda wadajir iyo waxqabad. Madaxweynaha, isagoo ka duulaya xaaladda dalka, wuxuu joojinta dhammaan xafladaha, munaasibadaha, iyo barnaamijyada abaal-marinta shaqaalaha dawladda, maadama oo xilligan ay abaaro ba’ani ka jiraan qaybo badan oo dalka ka mid ah, kuwaas oo sababay biyo-yaraan, barakac iyo waxyeelo culus oo saameeyay bulshada, gaar ahaan reer miyiga iyo danyarta.

Go’aanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si gaar ah u tixgelinaya dhibaatada ba’an ee ka dhalatay abaaraha, isagoo si hagar la’aan ah ugu dhiirrigelinaya hay’adaha dawladdu inay muujiyaan masuuliyad iyo garab istaag bulsho oo dhab ah. Tani waxay ka tarjumaysaa hogaaminta togan iyo aragtida siyaasadeed oo hufun, taas oo tixgelin weyn siinaysa xaaladaha nololeed ee shacabka, gaar ahaan dadka ay abaaruhu sida xooggan u saameeyeen.

Sidoo kale, go’aanka Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka markhaati kacayaa dedaalada xukuumadda wadajir iyo waxqabad iyo hufnaanta siyaasadda togan ee lagu hogaaminayo dalka iyadoo laga fogaanayo waxyaabaha aan muhiimka ahayn, si looga jawaabo baahida weyn ee shacabka la dhibaataysan duruufaha nololeed ee ka dhasay abaaraha. Go’aankan, oo khuseeya dhammaan wasaaradaha, hay’adaha madaxa-bannaan, iyo wakaaladaha dawladda, waxa uu sidoo kale cadeynayaa sida ay Madaxweyne Cirro uga go’an tahay ilaalinta mas’uuliyadda qaran iyo horumarinta xaaladaha bini’aadamnimo. Dhammaan hay’adaha dawladdu waxa la faray inay si buuxda ugu hoggaansamaan amarka, iyaga oo tixgelinaya dhibaatooyinka ku habsaday bulshada.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska afhayenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Dawan waxa uu u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo soo saaray go’aan khuseeya dhammaan Hay’addaha Dawladda.

Ku: Dhammaan Wasaaradaha, Hay’adaha Madaxa-bannaan iyo Wakaaladaha Dawladda.

Ujeeddo: Joojinta Xafladaha iyo Munaasibadaha Abaal-Marinta Shaqaalaha Dawladda.

Mudane /Marwo,

Anniga oo fulinya amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa aan qoraalkan idinkula socodsiinayaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu si rasmi ah u go’aamiyey in la joojiyo dhammaan Xafladaha, Munaasibadaha iyo Barnaamijyada Abaal-marinta Shaqaalaha Dawladda, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Feb 2026, ilaa amar dambe laga soo saaro.

Go’aankan waxa uu Madaxweynuhu u qaatay isaga oo tixgelinaya Xaaladaha Abaaraha ba’an ee ka jira qaybo badan oo ka mid ah dalka, kuwaasi oo si muuqata u saameeyey nolosha iyo dhaqaalaha bulshada Jamhuuriyadda Somaliland Somaliland.

Abaaruhu waxa ay sababeen biyo-yaraan, waxyeelo culus oo soo gaadhay xoolaha nool, barakac iyo culays nololeed oo ku yimid qoysas badan, gaar ahaan bulshada reer miyiga ah iyo danyarta.

Sidaa darteed, waxa lagama maarmaan noqotay in Hay’adaha Dawladdu ay muujiyaan Masuuliyad Qaran, wadajir, naxariis iyo dareen-qaybsi la xidhiidha xaaladda taagan, iyada oo mudnaanta koowaad la siinayo Xaaladaha Bini’aadannimo iyo danaha guud ee Qaranka.

Go’aankani waxa uu khuseeyaa dhammaan Wasaaradaha, Hay’adaha Madaxa-bannaan, Wakaaladaha iyo Hay’ad kasta oo Dawladeed.

Sidaa darteed, waxa la idinka filayaa fulin degdeg ah iyo u hoggaansanaan buuxda.

FIIRO GAAR AH:

Munaasibadaha Furitaanka Mashaariicaha horumarka Qaranku kuma jiraan go’aankan uu Madaxweynuhu soo saaray.”