Abaalmarin Heer Qaran ah oo la Gudoonsiiyay Aasaasaha Shirkada Shield Law Firm

0
174

 

Hargeysa (Dawan) Garyaqaan Mubaarak Cabdi Ismaaciil, aas-aasaha iyo maareeyaha guud ee shirkadda sharci ee Shield Law Firm, ayaa lagu maamuusay abaalmarin qaran oo heer sare ah munaasabad ka dhacday magaalada Hargeysa. Munaasabadda oo lagu qabtay Hotel Damal ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin sare oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur.

Abaalmarinta waxaa guddoonsiiyay Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, iyagoo u aqoonsaday kaalinta wanaagsan ee Qareen Mubaarak uu ka qaatay qorista, tafatirka, iyo dhammaystirka Sharciga Dammaanadda ee Bangiyada iyo Hay’adaha Maaliyadda (Xeer Lr. 110/2026),

Xeerka Dammaanadda ee Bangiyada iyo Hay’adaha Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ah isbeddel weyn oo lagu horumarinayo nidaamka maaliyadeed ee dalka. Xeerkan ayaa xoojinaya ilaalinta sharciga ee bangiyada iyo hay’adaha maaliyadda, isla markaana yareynaya khataraha amaahda, sidoo kalena dejinaya hannaan cad oo dammaanad ah si loo kobciyo kalsoonida nidaamka bangiyada.

Garyaqaan Mubaarak Cabdi Ismaaciil ayaa intii uu ahaa La-taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiillada Somaliland iyo La-taliye gaar ah oo u qaabilsanaa Guddiga Miisaaniyadda iyo Ganacsiga, door muhiim ah ka qaatay qaabaynta iyo meel-marinta hindise-sharciyeedkan. Khibraddiisa farsamo iyo dadaalkiisa joogtada ah ayaa suurageliyey in sharcigu helo dib-u-eegis qoto dheer, isla markaana lagu ansixiyo muddo hal sano gudaheed ah.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa u magacaabay garyaqaanka la-taliye sharci oo ka tirsan guddigii gaarka ahaa ee mas’uulka ka ah geeddi-socodka sharci-dejinta ee hindise-sharciyeedka iyo kormeerayay habraaca sharciyeed ee xeerkan.

Masuuliyiin iyo aqoonyahanno ka hadlay munaasabadda ayaa ku ammaanay garyaqaan Mubaarak kartidiisa, xirfaddiisa iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta nidaamka sharci iyo maaliyadeed ee Somaliland. Waxay sheegeen in doorkiisu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu casriyeynayo sharciyada maaliyadeed iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Gabagabadii, shirkadda Shield Law Firm ayaa hambalyo u dirtay aas-aasaheeda, iyada oo ku tilmaantay abaalmarinta mid muujinaysa hoggaan, hufnaan iyo ka go’naansho dib-u-habaynta sharci ee Jamhuuriyadda Somaliland.