Liverpool waxay guul xiiso badan oo 1-0 ah ka soo hooyeen Nottingham Forest kulan ka dhacay garoonka ‘City Ground’, kaas oo qayb ka ahaa wareegga 27-aad ee horyaalka Premier League.
Ciyaartan ayaa ahayd mid ay Liverpool wajahday dhibaato badan, iyadoo ku dhibtootay inay abuurto fursado gool loo fisho sababo la xidhiidha daafaca birta ah ee ay soo bandhigeen Nottingham Forest inta badan ciyaarta. Dhanka kale, kooxda martida loo ahaa ma aannay ku koobnaan kaliya daafaca, balse waxay halis ku ahaayeen weeraro celis ah oo dhowr jeer cabsi geliyay Liverpool.
Daqiiqadii 90-aad, Liverpool ayaa heshay gool uu dhaliyay Alexis Mac Allister, balse garsooraha ayaa diiday goolkaas ka dib markii uu la tashaday caawiyaha garsooraha ee muuqaalka (VAR), iyadoo la ogaaday in kubbadda ay gacanta kaga dhacday xiddiga reer Argentine.
Si kastaba ha ahaatee, riwaayadda ciyaarta ma dhammaan ilaa daqiiqadii 90+6-aad, markaas oo Mac Allister uu mar kale shabaqa soo taabtay, goolkaas oo markan la ansixiyay ka dib markii VAR ay xaqiijisay inuu ahaa gool sax ah.
Guushan ayaa ka dhigan in Liverpool ay hadda leedahay 45 dhibcood, iyadoo fadhida kaalinta lixaad ee horyaalka, halka Nottingham Forest ay wali ku jirto kaalinta 17-aad iyadoo leh 27 dhibcood.























