Sol Campbell Oo Saadaaliyay Kulanka Arsenal Iyo Chelsea, Magacaabayna Kooxda Ku Guuleysan Doonta Horyaalka Daaficii hore ee Arsenal, Sol Campbell, ayaa taageeray in

0
192

Daaficii hore ee Arsenal, Sol Campbell, ayaa taageeray in Gunners ay garaaceyso Chelsea marka ay Blues-ka ku martigeliyaan Premier League-ga Axadda, 1-da Maarso, garoonka Emirates Stadium.

Campbell sidoo kale wuxuu saadaaliyay in kooxda uu hogaamiyo Mikel Arteta ay ku guuleysan doonto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Wuxuu hadalkan jeediyay kadib markii Arsenal ay dhawaan 4-1 kaga adkaatay Tottenham Hotspur kulankii North London derby.

Arsenal ayaa haatan shan dhibcood ka sarreysa Manchester City oo ku jirta kaalinta labaad ee kala sarreynta Premier League.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Pep Guardiola ayaa heysata hal kulan oo dheeri ah maadaama ay ciyaareen 27 kulan ilaa hadda.

“Guul Afar iyo hal, waa heer sare, waa inay sii wadaan dadaalka. Sannadkan waan ku guuleysan doonnaa [horyaalka Premier League],” ayuu Campbell yidhi, sida ay soo xigatay Metro UK.

Arsenal ayaa dib ugu soo laaban doonta ciyaaraha toddobaadka dambe marka ay martigeliyaan kooxda uu tababaro Liam Rosenior.

Gunners-ku waxay horay uga adkaadeen Chelsea labadii lugood ee semi-finalka Carabao Cup xilli ciyaareedkan.

Markii la weydiiyay haddii Arsenal ay mar kale ka adkaan karto Chelsea, Campbell wuxuu ku daray:

“Waxaan ku garaacnay Carabao-ga, mar kale waan ka adkaan karnaa.”