Maxaa Ka Jira In Liverpool Beddelka Salah U Soo Qaadaneyso Yan Diomande?

0
113

Sida uu sheegay suxufiga caanka ah ee suuqa kala iibsiga ee David Ornstein, kooxda Liverpool ayaa muddo dheer isha ku haysay garabka weerarka ee RB Leipzig, Yan Diomande — xitaa ka hor inta aannu Mohamed Salah ku dhawaaqin inuu ka tagayo kooxda dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Ornstein ayaa sheegay in Diomande uu yahay ciyaaryahan ay Liverpool muddo xiisaynaysay:

“Markaad eegto cidda ay raadin karaan, waxay jecel yihiin Yan Diomand-ha RB Leipzig… waa ciyaaryahan ay muddo dheer xiisaynayeen.”

Wuxuu intaas ku daray in goor sii horreysay qiimihiisa suuqa uu ahaa mid aad u sareeya, taasoo ka dhigtay mid aannay gaadhi karin Liverpool iyo kooxaha kale.

RB Leipzig ayaa Janaayo ku dooneysay xiddigan ku dhawaad €100m, inkastoo uu kooxda ugu soo biiray €20m dhowr bilood ka hor.

Ornstein wuxuu sidoo kale sheegay in hadda howsha suuqa ay si dhab ah u bilaabaneyso, taasoo muujinaysa in wada-hadallada aanay weli heer sare gaadhin, balse Liverpool ay hore u sameysay baaritaanno iyo dabagal muddo dheer ah.