The Cradle: Warbaahin Caalami ah
Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan) Warbixin ay daabacday warbaahinta caalamiga ah ee The Cradle ayaa muujinaysa sida Jamhuuriyadda Somaliland ay u noqotay xudunta isbahaysi istaraatiiji ah oo cusub, kaas oo ka hanaqaadaya gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas, isla markaana ay ku midoobayaan dalalka Somaliland, Israa’iil, Hindiya, Imaaraadka Carabta (UAE) iyo Dawladda Itoobiya.
Warbixinta oo uu soo turjumay Wargeyska Dawan, ayaa tilmaantay in Somaliland ay ka weyn tahay cabbirkeeda juqraafi ahaan, iyadoo isu keenaysa khibradda dawladda Israa’iil, himilada qaranka Hindiya, maalgashiga dawladaha Imaaraadka Carabta, iyo baahida Itoobiya. Sida laga soo xigtay The Cradle, haddii si wanaagsan loo maareeyo isbahaysigani, Somaliland waxay noqon doontaa xarun muhiim ah oo door weyn ku leh ganacsiga, amniga, iyo siyaasadda Geeska Afrika iyo caalamka.
Sida ay sheegtay warbixintu, tallaabada ugu weyn ee horseedday isbahaysigan cusub ayaa ahayd markii Israa’iil ay si rasmi ah u aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland 26-kii Diseembar 2025, taas oo si weyn u beddeshay miisaanka siyaasadeed iyo istaraatiijiga ah ee gobolka. Go’aankaas oo sidoo kale noqday guul diblomaasiyadeed oo ay Somaliland muddo dheer sugaysay.
“Tallaabadani waxay beddeshay isle’egta siyaasadeed ee ku teedsan mid ka mid ah marinnada badda ee ugu xasaasisan adduunka. Hargeysa waxaa loo arkay inay tahay ansaxinta dhabta ah ee muddo dheer la sugayay,” ayaa lagu yidhi warbixinta. Waxaanay intaasi ku dartay, “Tallaabadan waxay xoojinaysaa is-waafajin afar dhinac ah oo isku xidhaysa Israa’iil, Hindiya, Imaaraadka Carabta, iyo Itoobiya. Xididdadan soo ifbaxaya waxay diiradda saareysaa sugidda goobaha badeed ee Gacanka Cadan iyo Bab al-Mandab, iyadoo sidoo kale saldhig u ah beddelka Hindisaha Shiinaha ee bariga Afrika.”
Warbixintu waxay tilmaantay in Somaliland ay ku taallo meel istaraatiiji ah oo ka mid ah marin-biyoodka muhiimka ah ee isku xidha ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan Gacanka Cadmeed iyo marinka Bab al-Mandab. Arrintaasina ay tahay sababta ugu weyn ee Somaliland ka dhigtay meel muhiim u ah ilaalinta iyo xasilinta isu socodka badeecadaha u kala goosha Aasiya, Afrika, iyo Yurub.
Sidoo kale, warbixinta ayaa xustay in Dekedda Berbera ay noqotay halbowlaha hawlgalka iskaashigan qorshahan, iyada oo maalgashi ballaarani ka socda dekedda Berbera, maalgashigaaki oo ay horkacayso shirkadda DP World, isla markaana uu si weyn u sii xoogaysanayo isku xidhka ganacsi ee u dhexeeya Berbera iyo Addis Ababa kaas oo sii xoojinaya doorka iyo saamaynta Somaliland ee gobolka.
Sida ay sheegtay warbixintan caalamiga ah, Isbahaysigan cusub ayaa Jamhuuriyadda Somaliland u arka goob istaraatiiji ah oo lagu hirgelin karo iskaashi ballaadhan oo ku dhisan ilaalinta xasiloonida xeebaha, dhismaha kaabayaal dhaqaale, iyo maalgashi tiknoolojiyadeed iyo amni. Sidoo kale warbixinta The Cradle ayaa intaa ku dartay, “Aqoonsigaasi wuxuu siinayaa Somaliland sharciyad siyaasadeed oo dheeraad ah, isla markaana wuxuu furayaa albaabyo cusub oo ku saabsan iskaashi milatari, horumarinta kaabayaal dhaqaale, iyo tiknoolojiyad horumarsan.”
Gunnaanadkii, warbixintu waxay iftiimisay in isbahaysigan cusub ee u dhexeeya Hindiya iyo Israa’iil ee ku wajahan Somaliland uu muujinayo isbeddel weyn oo ku yimid awood qaybsiga Gobolka iyo Badda Cas, sidoo kalena uu caqabad ku yahay dhaqdhaqaaqyada dalalka Siinaha, Turkiga, iyo Iiraan, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay ku hawlanaa dadaallo ay ku xoojinayaan saameyntooda gobolka.




















