Liverpool oo Xagaagan Mashquul Ku Ah Suuqyadda Kala Iibsiga iyo Joogteynta Tababarka

0
112

Liverpool ayaa xagaagan wajahaysa xilli xaalad firfircoon oo la xidhiidha suuqa kala iibsiga iyo maamulka, iyadoo kooxdu raadineyso beddelka Mohamed Salah isla markaana indhaha ku haysa daafacyo cusub sida Murillo iyo Evan Ndicka si ay u xoojiyaan safka dambe. Xiisaha Yan Diomande ayaa mar kale la xaqiijiyay, balse qiimihiisa sare ee €100 milyan ayaa ka dhigaya heshiiska mid adag. Sidoo kale, xaaladda tababaraha Arne Slot ayaa ku jirta feejignaan, maadaama uu ku hanjabayo inuu ka tagi karo kooxda haddii heshiis kordhin qancinaya aanu helin. Liverpool waxay isku dayeysaa inay isu dheellitiro baahiyaha suuqa kala iibsiga iyo sugidda joogteynta maamulka si ay u sii wado tartanka heerka sare ee Yurub iyo gudaha England.

Haddaba halkan ka akhr, wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Kooxda Liverpool iyo wararkeeda la xidhidhiidha dedaalada kooxda ee isu dheellitirka baahiyaha suuqa kala iibsiga ciyaartoydas iyo sugidda joogteynta maamulka suuqyada iyo garoomada, si ay wajahdo tartanka adag ee ka socda saaxadda ciyaaraha Yurub iyo gudaha England.

Xiisaha Diomande oo mar kale la xaqiijiyay

Liverpool ayaa u aragta xiddiga da’da yar ee RB Leipzig Yan Diomande inuu ka mid yahay “saddexda ciyaaryahan ee ugu sarreeya” ee lagu beddeli karo Mohamed Salah, sida uu sheegay Sky Germany.

Weriyaha Florian Plettenberg ayaa sheegay in xiisahaas mar kale loo xaqiijiyay, balse Leipzig waxay dalbanaysaa ilaa €100 milyan si ay u iibiso ciyaaryahanka reer Ivory Coast.

Salah ma aadayo Miami

Dhanka Mohamed Salah, mustaqbalkiisa weli lama hubin, iyadoo ay xiiseynayaan kooxo ka socda Sacuudi Carabiya, Major League Soccer iyo Yurub, sida uu sheegay Fabrizio Romano.

Liverpool oo diyaar u ah in ay dalab Ka gudbiso Murillo

Liverpool waxay xiiseyneysaa daafaca Nottingham Forest Murillo, waxayna diyaar u tahay inay gudbiso dalab weyn, sida ay sheegtay TEAMtalk.

Ciyaaryahanka Brazil ayaa la filayaa inuu ka tago kooxda xagaagan, iyadoo Liverpool ay safka hore kaga jirto kooxaha doonaya beddelka mustaqbalka ee Virgil van Dijk. Waxaa la sheegay in Liverpool ay bixin karto ilaa €80 milyan.

Liverpool oo la socota Ndicka

Daafac kale oo Liverpool indhaha ku hayso waa AS Roma xiddigeeda Evan Ndicka, sida uu sheegay CaughtOffside.

Roma waxay diyaar u tahay inay iibiso haddii qiimaha €45 milyan la bixiyo. Liverpool ayaa la socota xaaladdiisa, balse sidoo kale waxaa xiiseynaya Manchester United iyo kooxo kale.

Slot oo dalbanaya heshiis cusub

Tababaraha Arne Slot ayaa ku hanjabaya inuu shaqada ka tagi doono haddii aannu helin heshiis cusub oo uu ku qanacsan yahay, sida uu sheegay Indykaila.

Inkastoo cadaadis jiro, Liverpool ma rabto inay erido tababaraha reer Holland, balse wuxuu go’aansan karaa inuu iskii u baxo xagaagan. Heshiiskiisa hadda wuxuu soconayaa ilaa 2027, balse wada-hadallada kordhinta ayaa adkaaday.

Waxaa la sheegay in dalabyada Liverpool aannay qancin Slot, isla markaana uu dalbanayo shuruudo aad uga wanaagsan. Haddii labada dhinac is fahmi waayaan, wuxuu dooran karaa inuu ka tago kooxda.