Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan) Warbixin qoto-dheer oo uu diyaariyay Daniel Herszberg oo ah cilmi-baadhe ka tirsan Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda Oxford, ayaa tilmaamay in aqoonsi buuxa oo caalamku siiyo Somaliland uu furi lahaa kaabayaal muhiim ah oo beddel ah, isla markaana ka ilaalin lahaa macaamiisha Yurub ku tiirsanaanta marinnada maraakiibta ee ay halista ku hayaan budhcad-badeedda iyo hubaynti la’aanta ganacsigu.
Warbixintan oo lagu daabacay mareegta Euractiv oo Wargeyska Dawan soo xigtay ayaa tilmaamaysa in Jamhuuriyadda Somaliland ay buuxisay dhammaan shuruudaha dowladnimo ee lagu qeexay heshiiska Montevideo Convention 1933. Heshiiskaas oo dejiyay afar qodob oo lagama maarmaan u ah aqoonsiga dowladnimo: kuwaasi oo kala ah Dad joogto ah, Dhul leh xuduudo cad, Dowlad wax ku ool ah iyo Awood ay ku yeelan karto xidhiidho caalami ah Sidoo kale waxay xustay in Somaliland ay si cad u buuxisay dhammaan shuruudahan, isla markaana aanu jirin kiis ka xoog badan marka loo eego dhinaca sharciga.
Warbixintu waxay ku bilaabmaysaa xaaladda tamarta Yurub, iyadoo xustay in qiimaha saliidda uu weli ka sarreeyo $100, halka gaaskuna kor u kacay.” Ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine, dalalka Yurub waxay isku dayeen inay yareeyaan ku tiirsanaanta tamarta Ruushka, balse isbeddelladaas mararka qaar ma noqon kuwo istiraatiiji ah oo dhameystiran.
Warbixintu sidoo kale waxay xusayaa in adkeysiga dhabta ahi u baahan yahay ilo la isku halleyn karo iyo marinno kala duwan oo ammaan ah, sida marin-biyoodka muhiimka ah ee Somaliland. “Dekedda Berbera ayaa lagu tilmaamay meel istiraatiiji ah oo ku taalla marinka Bab el-Mandeb, kaas oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah. Inkastoo ay dekeddu leedahay awood istiraatiiji ah, Yurub kama faa’iidaysan si buuxda sababo la xidhiidha maqnaanshaha aqoonsi rasmi ah oo Somaliland ah.
Tan iyo 1991-kii, Somaliland waxay lahayd nidaam dowladeed oo shaqeeya, lacag u gaar ah, doorashooyin dimoqraadi ah, iyo amni la isku halleyn karo. Si kastaba ha ahaatee, wali waxaa ka maqan aqoonsi buuxa oo caalami ah.”
Qoraagu wuxuu si gaar ah u tilmaamay farqiga u dhexeeya Hargeisa iyo Mogadishu, isagoo xusay in Hargeysa ay tahay magaalo xasiloon oo ku naaloonaysa nabadgelyo buuxda, isla markaana uu si xor ah ugu dhex socday, halka Muqdisho qofku u baahan yahay ilaalin amni oo xooggan. Taasina ay tusaale u tahay kala duwanaanta amni iyo dowladnimo ee labada dhinac.
Warbixinta ayaa lagu muujiyay horumarka dhaqaale iyo maalgashiyada caalamiga ah ee laga hirgeiyay Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo warbixintu si gaar ah u xustay maalgashiga Dekedda Berbera ee shirkadda DP World waxaanay xustay “Dalal iyo shirkado caalami ah ayaa durba bilaabay inay ka faa’iidaystaan fursadda Somaliland. Shirkadda DP World ayaa maalgelisay dekedda Berbera si loo ballaadhiyo.
Sidoo kale, dalal gobolka ah sida Itoobiya ayaa heshiisyo la galay Somaliland si ay u helaan marin badeed. Dhanka kale, quwadaha waaweyn sida China iyo Russia ayaa si taxaddar leh ula socda xaaladda, halka dawladda Mareykanka, gaar ahaan muddo xilleedka Madaxweyne Donald Trump uu muujiyay xiise istiraatiiji ah.
Warbixintu waxay ku soo gabagabaynaysaa in aqoonsiga Somaliland uu noqon karo fursad istiraatiiji ah oo ay ka faa’iidaysan karaan waddamada qaaradda Yurub, isla markaana ka caawin kara: Kala duwanaanshaha ilaha tamarta, Sugidda marinnada ganacsiga iyo Yareynta khataraha juqraafiyeed, waxaana lagu yidhi “Haddii Yurub ay dib u dhigto go’aan qaadashada, waxaa suuragal ah in quwado kale ay ka faa’iidaystaan fursaddan, taas oo keeni karta in Yurub ay ku tiirsanaato xaalado ay cid kale dejisay.”




















