Bernardo Silva Oo Shaki Galiyay Mustaqbalkiisa Man City

0
251

Bernardo Silva ayaa si dadban u muujiyay in uu ku dhow yahay inuu ka tago Manchester City, isagoo sheegay in xilli ciyaareedkan uu noqon karo kii ugu dambeeyay ee uu ku qaato kooxda horyaalka Ingiriiska, kadib sanado badan oo uu ku hoos ciyaarayay Pep Guardiola.

Magaca Silva ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa inuu ka tagayo kooxda xagaaga soo socda, iyadoo warar ay sheegayaan inuu aad ugu dhow yahay inuu ku biiro FC Barcelona.

Isagoo la hadlayay warbaahinta rasmiga ah ee kooxda, Silva wuxuu sharaxay in arrimo dhaqan (culture) ay door weyn ka qaateen fikirkiisa bixitaanka, isagoo yidhi:

“Nolosha Manchester dhinaca dhaqanka iguma habboona sida aan jeclaan lahaa,” isagoo ula jeeday kala duwanaanshaha u dhexeeya England iyo Portugal ee dhinaca cimilada iyo qaab nololeedka.